WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, June 17, 2018, (Saxafi) – Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay socdaal aan la sii shaacin ku tegay magaaladda Muqdisho, ee xarunta Dalka Somalia, Isla markaana go’aan Lix iyo toban qoddob ka kooban la saxeexday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaas oo ku jiraan maalgelinta afar dekedood

Nuxurka heshiiska

SomlegalAds

Shalay waxaa ay taariikhdu 16, bisha 6-aad waxaana qodobadda lagu heshiiyay dhan yihiin 16.

Labada hogaamiye waxay ku heshiiyeen inay sare u qaadaan xidhiidhkooda, iyadoo Dawlada Federaalka ay tahay mida kowaad ee metasha Qaranka iyo Madax-banaanida Dalka Soomaaliya, ayaa lagu yidhi qoraalka labada dhinac soo saareen shirkooda kadib.

Khudbadii Abiy Axmed

Ethiopia Iyo Somalia Oo Ku Heshiiyay Maalgelinta Afar Dekedood Oo Su’aal Dhaliyay
Raysal-Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo khudbad ka jeedinaya Muqdisho

“…Ciid wanaagsan, waan imid…” ayuu Abiy Axmed ku yidhi af-Soomaali, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa. “…Halkan umma iman Taariikhdii hore inaan ka hadlo balse waxaan u imid inaan Mustaqbal iyo iskaashi cusub inaan ka bilowno, qorshaheenu waa sidii Gobalka Bariga Afrika looga dhigi lahaa dhul xasiloon oo horumaray…” ayuu yidhi Raysalwasaaraha Itoobiya.

“Waxaan dooneynaa dhiirigelinta Ganacsiga iyo wada shaqeynta labada dal” ayuu yidhi Abiy Axmed oo khudbadiisa si weyn diirada ugu saaray arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga uu doonayo inuu la yeesho Xukuumada Soomaaliya.

“…Mustaqbalka waxaan dooneynaa inaan hal Suuq yeelano oo sare u qaadno tayada Ganacsatada Soomaaliya iyo Itoobiya….” ayuu yidhi Abiy oo sheegay in himiladaasi ay tahay mid dani ugu jirto labada dal oo ah kuwo kala madax banaan balse ay ka dhaxeyso istixgelin iyo iskaashi walaaltinimo.

Arrimaha Argagaxisada ayuu sheegay Abiy Axmed in labada dal looga baahan yahay inay sameystaan qorshe dheer oo la xadhiidha sidii looga hortagi lahaa argagaxisada balse ay kasii muhiimsan tahay sidii wax looga qaban lahaa daruufaha iyo arrimaha hoose ee keenaya xagjirnimada.

“Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya Dhiig, Dhaqan, Diin iyo waliba taariikh dheer, walow ay jireen khaladaad horey u dhacay, balse waa kuwo aan hore u muujiney inaan ka gudbi karno oo aan wada dhisan karno taariikh cusub oo wanaagsan,” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Raysalwasaaraha kusoo dhaweeyey Muqdisho ayaa ku tilmaamay Abiy Axmed in gurigiisa labaad uu yahay dalka Soomaliya, isagoo sheegay in labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan amniga, ganacsiga iyo iskaashiga & horumarinta.

“…Mustaqbalkeenu waa mid isku xidhan, waana midaas tan keenaysa inaan wada shaqeyno si looga gudbo caqabada gobalkeena ka jira sida Argagaxisada, si aan dalalkeena ugu horseedno horumar..” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in labada wadan ka wada shaqeeyaan dhanka ganacsiga iyo maalgashiga, sida wadooyinka dekaddaha iyo Tamarta.

Arrimaha Madaxda labada dal ay ka wada hadleen ayaa la filayaa inay ka mid tahay heshiiskii Dekadda Berbera oo ay shirkada DP World la wareegtay, dawlada Itoobiyana laga siiyey 19%. Taas oo Somalia dagaal adag ka gashay, Islamarkaana Baarlamaanka dalkaasi ku dooday inuu laalay iyo inuu ka mamnuucay shirkadaasi DP world inay Soomaaliya ka hawlgasho. Wallow hadalkaasi afka uun ku ekaa oo aanu wax saameyn ah ku yeellan geedi socodka hawsha dekedda Berbera, maadaama maalgashigaasi ay dadaal weyn u gashay Somaliland hirgelintiisa.

Sidaas oo ay tahay, heshiiskan Ethiopia iyo Somalia qodobka toddobaad waxaa ku xussan iskaashi dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah iyaddoo la maalgelinayo afar dakadood oo aan la magac dhabin kuwa ay yihiin. Balse ku yaalla badweynta Hindiya iyo badda Cas. “…Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la qaado caqabada horyaal in la isku xidho labada dal dhinka ganacsiga, horumarinta dekaddaha iyo waliba wadooyinka…” ayaa sidoo kale lagu yidhi qoraalkan.

Warsiddaha Africa Intelligence ayaa 14-kii bishan ama laba maalmood ka hor sii qoray in Raysal Wasaaraha Ethiopia dhigiisa Somalia ku qanciyay heshiiska Dekeda Berbera.

Talaabooyinka Abiy Axmed ayaa muujinaya inuu doonayo inuu hirgeliyo siyaasad ka duwan tii xukuumada Itoobiya ka dhaxashay Meles Zenawi ee ku jiheysneyd xidhiidhka Addis Ababa la leedahay dalalka ay jaarka yihiin sida Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Eritereya.

Raysal-Wasaare Abiy ayaa sidoo kale ku casuumay Madaxweynaha Soomaaliya inuu booqdo Addis Ababa.

Dhinaca kale dawlada Soomaaliya ayaan la aqoon qaabka ay u dhigi doonto iskaashiga iyo xidhiidhka cusub ee ay la yeelaneyso Itoobiya iyo halka ay ka soo geli doonto haddiiba ay isla soo qaadeen heshiiska saddex goosoodka ah ee Somaliland, Ethiopia iyo shirkadda DP World ee maalgalinta dekedda Berbera iyo dhismaha jidka Xidhiidhiya Wajaale iyo Berbera. Si kastaba ha ahaatee, raysal Wasaaraha Ethiopia shalayba dib ayaa uu uga noqday Muqdisho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.