WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, December 02, 2018 (Saxafi) – Iyada oo shacabka Somaliland ay weli siyaabo kala duwan uga hadlayaan dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Wakiilladda ee Somaliland ee guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland dhawaan ku dhawaaqeen,  ayaa Siyaasi Maxamed Jaamac Abgaal (Ex-wasiir Abgaal) oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani horena xilal Wasiirrnimo uga soo qabtay xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa nasiib darro ku tilmaamay dib u dhaca doorashooyinka Golaha deegaanka Iyo Wakiiladda,

Maxamed Jaamac Abgaal oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Gudaha magaalada Borama ayaa waxaa uu  sheegay inuu aad uga xun yahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkaas isaga oo arrintaasi ku fasiray inaanay Somaliland doorasho ka dhacaynin marka laga reebo ayuu yidhi doorashada Madaxweynenimo isagoo yidhi: “Waxaan aad uga xumahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka golaha wakiillada iyo ta deegaanka,  waxaa ii muuqata in la iskaba daayay Somaliland doorashooyinka golaha wakiillada iyo deegaankiiba oo sheekadeediiba ay dhamaatay, wixii doorasho ah ee hadda ka dib ka qabsoomaysa Somaliland kaliya waxaa ay noqon sida muuqata ta Madaxweynenimo oo madaxweyne uun dalka loo doorto, Madaxweynahaas oo beel magaceed huwan dabadeedna beel kale xilka u dhiiba, Madaxweyne cashuurta shacabka ka gura siduu doonana ka yeella, Ciidanka qarankuna ay amarkiisa qaataan ”  .

SomlegalAds

Sidoo kalena ex-Wasiir Abgaal waxa uu intaa ku daray:- ” Doorasho dambe oo Baarlamaan Iyo Deegaan ahi ma jiraan weliba waxaan filayaa oo ii sii muuqata Madaxweynaha haatan Muuse Biixi Cabdi, ka dib doorasho dambe oo dalka ka dhacaysaa in aanay jirin taas mar hadday sidaas tahay Somaliland reer reer ayaa la iskugu dhii-dhiibayaa oo Hagbad ayayba noqotay, markaa yaan dadka la dhibin oo reerba mar uun markiisa haloo sheego, sida dalku u sii socdo waxbana been yaan la isku sheeg-sheegine imika 5-Ta Madaxweyne ee Ku xigi doonna Muuse Biixi ha laga dhigo Beelaha Ciise,  5-Ta Ku Xigtana Gabooye Noqdo,  5-Ta Ku Xitana inuu Warsangeli Noqdo,  5-Ta Ku Xigi doontana Ay noqdaan Dhulbahante,  5-Ta Ku xigi Doontana u noqdo Gadabuursi.   Waa Hadii la rabo in dalkan la sii wada lahaado oo uu sidaa kusii socdo” .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.