WorldRemitAds

Eyda Tababaran ee Booliska Ingiriiska ayaa dhibaato kala kulantay kabaha loo sameeyay in loo xidho marka la baadhayo, guryaha dadka muslimiinta ah iyo Masaajidadda si loo ilaaliyo shucuurta Muslimiinta oo Eyda u aaminsan inay yihiin wax nijaas ah.

Jariiradda Sunday Times ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo warkan daabacday ayaa ku warantay in khabiiradda iyo Taliyayaasha sar sare ee Boliska Dalkaasi fadhi culus ka leeyihiin sidii ay dhamaan xooga Boolisku hawl galadooda ugu samayn lahaayeen, iyadoo la ilaalinayo sidii aanay cidhiidhi u dareemin dhamaan Diimaha iyo xaddaaraduhu.

Talaabadan ayaa laga fulin doonaa dhamaan goboladda England, Wales iyo Waqooyiga Ireland marka la gaadho dhamaadka sanadkan. Talaabadan cusub ee ay ku dhaqaaqeen Booliska Ingiriiska ayaa ka danbaysay ka dib markii ogaysiis ay dhawaan soo saareen Boolisku uu ka cadhaysiiyay isla markaana ay cabasho ka muujiyeen Muslimiinta dalkaasi.

SomlegalAds

Ogaysiiskan ayaa ahaa mid uu ku dhejisan yahay ama uu ku sawiran yahay Ey yar oo fuushan koofiyadda Sarkaal booliska dalkaas ah, Eygan oo sida ku xusan ogaysiiskaa da’diisu tahay 6-bilood ayaa keenay in Muslimiinta dalkaas badan koodu diidaan inay ku dhejiyaan goobaha ganacsiga iyo meelaha sida gaar aha loo leeyahay, taas oo ay ku macneeyeen in iyaga lagu quudhsanay, runtii arintaa Booliska dalkaasi waxa uu ka bixiyay cudur daar rasmi ah waana laga badalay goobaha Muslimiintu ku dhaqan yihiin Ogaysiiskaas Eygu ku sawirnaa.

Haddaba Booliska dalkaasi iyaga oo taa maanka ku haya ayay go’aansadeen in dhamaan Eyda Tababaran ee galaya goobaha Muslimiintu leeyihiin loo sameeyo Kabo u gaar ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.