WorldRemitAds

London, UK, March 23, 2012 (Saxafi) – Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya qaabkii loo sii daayey haween British ah oo lagu magacaabo Judith Tebbutt oo ay sii daayeen kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ahi, taasoo  mudo 7 bilood ah ay afduub u haysteen.

Haweenaydan oo laga qafaashay xeebta dalka Kenya ee lagu magacaabo Kiwayu Safari Village oo u dhaw Jasiirada Lamu, isla markaana 40 Km u jirta xuduuda Soomaaliya, ayaa kooxaha qafashay waxay la tageen badhtamaha Soomaaliya gaar ahaan agagaaraha degmada Cadaado, halkaas oo ay ku hayeen mudooyinkii ugu dambeeyey,  waxaana sii deynteedu ay ka dambeysay ka dib markii maalmo ka hor kooxaha budhcad badeeda ah la siiyey lacag madaxfurasho ah oo gaadhaya 1200,000 (Milyan iyo laba boqol oo kun oo doolar).

Lacagta madaxfurashada ah ayaa la sheegay inay iska ururiyeen qoyska iyo asxaabta haweenaydan, iyadoo dawladaBritainsheegtay inaanay wax lacag madaxfurasho ah siinayn kooxaha afduubayaasha ah.

SomlegalAds

Afduubka haweenaydan oo dhacay 11-kii September ee sanadkii 2011 ayaa xiligii uu socdey waxaa kooxaha afduubayaasha ahi ay toogteen haweenaydan ninkeedii oo lagu magacaabi jirey David kaasi oo isla goobtii ku geeriyoodey. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in la’i sii daayo, waxaanan hadda kaliya raadinayaa waa inaan arko wiilkeyga, kaasi oo si guul leh u xaqiijiyey siideyntayda, ma garan karo sida uu arrinkaasi ku sameeyey, laakiin way u suurtagashay, taasi oo aheyd mid aad u weyn” ayey tidhi Judith Tebbut oo 57 sano jir ah oo u waramaysay Telefishinka ITV news ee magaalada London, iyadoo intaasi sii raacisay in dableyda afduubka u haysatey ay si wanaagsan ula dhaqmeen.

Qaabka lacagta lagu gaadhsiiyey burcad badeeda

 Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ee haweenaydan afduubka u haystey lacagta madaxfurashada ah ee gaadhaya 1.2 milyan la gaadhsiiyey maalmo ka hor, iyadoo diyaaraddi dusha kaga tuurtey, waxaana markaasi ka dib budhcadu ay haweenaydaasi ku wareejiyeen maamulka deegaankaasi, taasi oo ku timid wadaxaajood mudo bilooyin ah socdey oo ku aadanaa siideynta duqdan.

 Judith oo ku labisan dharka Soomaalidu xidhato, madaxana uu u saaran yahay Masar shaash ah oo ay inta badan hablaha Soomaaliyeed ku labisantaan ayaa diyaarad lagaga qaaday degmada Cadaado oo 50 KM u jirta xuduuda Itoobiya, magaalada Muqdisho ee caasimada ahna u jirta 500 Km, waxaana lagu wareejiyey saraakiil ka socotey safaaradaBritainee magaaladaNairobi. “Si wanaagsan ayaa la iila dhaqmay, si wanaagsanna waan u seexan jirey, laakiin sadex jeer oo ka mid ahaa intii afduubka la ii haystey ayaan xanuunsadey, balse daaweyn ayaan helay si deg deg ah, waanan ku caafimaaday” ayey tidhi Judith Tebbutt. “Xaaladeyda inta aan ka warqabo waan wanaagsanahay, waxaan dareemayaa wanaag, wax tacadi ah la iima geysan, sida dhabta ah ilaa iyo sida ugu macquulsan ayay iila dhaqmeen afduubayaashu waxayna isku dayayeen inay iga ilaaliyaan dhaqan xun, isla markaana aan ku dareemi karo deganaansho la’aan” ayey hadalkeeda sii raacisay Tebbutt. “Muwaadiniin Soomaali ah oo haysta dhalashadaUKayaa dadaal weyn ka qaadatey sidii loo sii deyn lahaa haweenaydan kuwaasi oo ku lug lahaa wadaxajoodka keenay in la sii daayo Tebbutt” ayuu yidhi Daa’uud Cali, oo degan degmada Cadaado oo u waramayey wakaalada wararka ee AFP.

Maxamuud Ibraahim, oo isaguna ka mid ah duqeyda dhaqanka ee deegaankaasi ayaa geestiisa sheegay in wadaxaajoodka sii deynta haweenaydani uu bilowdey wax yar uun ka dib markii afduubku dhacay.

 Mowqifka Xukuumada Britain ee afduubkan

Afhayeen u hadlay Ra’isalwasaaraha Britain David Cameron wuxuu sheegay in dawladaUKaanay ku jirin siyaasadeeda in ay afduubayaasha siiso lacag madaxfurasho ah, isla markaana aanay ka shaqeyn bixinta madaxfurashada.

 Qofka kaliya ee aduubkan u xidhan waa Cali Babitu Kololo oo 25 sano jir ah, Booliiska Kenya ayaa su’aalo waydiinaya oo xabsi ku haya Cali Babitu Kololo oo 25 sano jir ah kaasi oo ahaa shaqaalaha Hotel-ka afduubku uu ka dhacay, waxaana ninkan lagu eedeeyey in uu gacan siiyey kooxaha afduubayaasha Soomaalida ah, balse wuxuu dafiray eedeymaha loo haysto isagoo sheegay in afduubayaashu u hanjabeen oo aanu wax warbixin ah aanu siin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.