WorldRemitAds

Laascaanood, Somaliland, December 24, 2017 (Saxafi) – Ugu yaraan Lix (6) ruux ayaa ku dhintay tiro ka badannina waa ay ku dhaawacantay ka dib markii dagaal ka dhacay tuulada Qoriley oo 73 Km. Koonfur Barri kaga quman magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo colaad soo noqnoqotay ka galaafatay dad badan degaan ahaana ka soo kala jeeda degmooyinka Koonfurta Laascaanood iyo Burtinle, ayaa waxaa la sheegay in maleeshiyo beeleed ka soo duushey dhica Burtinle ay shalay qabsadeen magaaladaas. “Waxaan ku war helay rasaasta koonaha magaalada ka soo dhacaysa kadibna waan cararay oo wax la filayey ayay ahayd horeyna dadkii shacabka ahaa ee weligood deganaa waa ay ka qaxeen, waxba maan xaqiijin karayn ee naftayda ayaan la cararay” sidaa wax yidhi Maxamuud Cali oo dadka degaankaasi ka mid ah.

Maxamuud waxa uu intaas ku daray galabnimadii in ay ku rogaal celiyeen magaaladii oo ay ka saareen qoladii soo duushey, “Cabdiweli Gaas ayaa soo diray oo Burtinle jooga gaadiidkoodiina waa ka muuqanayey cadaymana waa loo helayaa” ayuu yidhi

SomlegalAds

Labada dhinacba waxaa ay sheeganayaan in khasaare jiro oo dad ka dhintay waxase isku soo xoorinteeda la sheegayaa 11 ruux oo labada dhinac ahi inay dhinteen, waxana weli aan la hubin tiradda rasmiga ah iyadoo goobta dagaalku ka dhacay tahay dhulaka Hawdka loo yaqaan.

Shan maalmood ayaa laga joogaa markii labada beelood dagaal khasaarre kan oo kale ah dhaliyay uu ku dhex maray Gunburka Cagaare, kaas oo haatan loo diyaar garoobayey  sidii wax looga qaban lahaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa doraad ku dhawaaqay in dagaalka la joojiyo wixii keenayana inay wax ka qabanayaan balan qaaday, waxana dadku si feejigan u dhawrayaan talaabada xigta ee uu ka qaado, maadaama beeshiisa ay ahaayeen ciidanka shalay galay Qoriley.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.