WorldRemitAds

Boosaaso, Somalia, June 3, 2018 (Saxafi) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxday weerar culus oo habeen hore saqdii dhexe Kooxda Al-Shabaab ku qaadey Saldhig ay ciidamada maamul goboleedka Somalia ee Puntland ku leeyihiin meel lagu magacaabo Balli-Khadar oo ku dhaw Buuraha Galgala ee gobolka Bari..

Dagaal xooggan oo saacado socdey ayaa la wariyay in labada dhinac uu ku dhexmaray goobtaas, kaasi oo uu dhashay khasaaro isugu jira dhimasho ah iyo dhaawac soo kala gaadhey labada dhinac, sida dadka deegaanku ay sheegeen.

SomlegalAds

Ururka Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ayaa war qoraal ah oo uu ku baahiyay baraha Internet-ka ku sheegay in dagaalka ay ku dileen inta u dhaxeys illaa 7 Askari oo katirsanaa Ciidamada PMPF-ta, islamarkaana ay ku gubeen gaadiid dagaal.

Warar aanu ka helay Illo ku dhaw Taliska Ciidamada Puntland ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 6 Askari ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab, islamarkaana ay suurta-gal tahay in khasaaruhu intaas ka badan karro maadaama aan weli tira koob la sameyn.

Intii uu socday dagaalka, Kooxda Al-Shabaab ayaa ay u suurt-gashay inay la wareegto gacan ku heynta deegaanka ka dib markii ay Ciidamada Puntland ka baxeen meesha.

Xaalada deegaanka ayaa xalaay ahayd mid degan, iyadoo dadka deegaanka shalay si wayn u hadal-hayeen weerarkan oo soo xasuusiyay kii deegaanka Af-Urur lagu qaadey 8 June 2017, kaasoo lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa Ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa hawlgalkan ku eedeeyay inay gacan ka geysteen ciidamada Qaranka Somaliland gaar ahaan guutada sideedaad ee Gobolka Sanaag ciidamada ku sugan ka mid ah.

Ka dib markii dawlada Puntland ay ku eedaysay Somaliland inay soo abaabushay weerarkii deegaanka Billa-khadar ee gobolka Bari, ayaa waxaa arrinkaasi ka jawaabay Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland ay eedeyso Somaliland inay ka dambeyso weerarkii Balli-Khadar, waxaana uu ku tilmaamay warkaasi mid been ah.

Maxamed ayaa carabka ku adkeeyay in dawlada Somaliland waxba ka ogayn dagaalka Billa-khadar, kaasi oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Kooxda Al Shabaab, ee ka dagaalanta Galgala. “Runtii waa wax laga xumaado in Puntland ku eedayso Somaliland inay garab siiso kooxaha argigixisada, mana ahan wax cusub oo marar badan ayey eedeyntan u soo jeedisay,” ayuu Kaahin ku sheegay wareysi uu siiyay BBC-da. Waxaa kale oo uu tilmaamay in Puntland ku mamtay oo ay had iyo jeer beesha caalamka wax kaga raadiso Argagixisada dagaalkeedda, ayna sidoo kale isku daydo inay Somaliland marmariso eeddo aan jirin.

Su’aall laga weydiiyay in Buuraha Gobolka Sanaag ay soo maraan Shabaab, islamarkaana ay u gudbaan dhanka Puntland gaara ahaan Galgala ayaa Wasiir Kaahin ayaa mar kale gaashaanka ku dhuftay. “Eedaas waxba kama jiraan, ciidamo ayaan leenahay, kuwaasoo diyaar u ah inay daafacaan dhulkooda. Waxba kama jiraan warkaas, waxaanan sheegaynaa in aanay waxba ka jirin,” ayuu yidhi waxaana uu faah-faahin ka bixiyay in Somaliland ka caawisay Puntland qabashada eedaysanaal loo haystay dilka Culimo waaweyn oo uu ka mid ahaa Gacamay.

Wasiir Maxamed Kaahin mar la weydiiyay sida uu xalka u arko maadaama dagaal iyo is-eedayn aanu  noqonayn xal, ayuu ku jawaabey in Jamhuuriyadda Somaliland mar walba diyaar u tahay inay nabadda ka shaqeeyaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.