WorldRemitAds

Faahfaahinta Weerar Culus Oo Ka Dhacay Gudaha Muqdisho

Muqdisho, Somalia, July 08, 2018 (Saxafi) – Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Askar ka tirsan ciidamada dawladda Somalia iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerar Ismiidaamin ahaa oo shalay lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha.

SomlegalAds

Ciidamada ammaanka ayaa ugu danbeyntii soo afjaray weerarka xarunta oo ay ku ay wadda degan yihiin Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Xaruntan ayaa markii hore lagu weeraray gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo dabley hubeysani oo gaadhaysay saddex ilaa shan dagaalame ay gudaha u galeen.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaaseyn muddo saacad ka badan socotay ka dib ay ciidamada amniga ku guuleysteen in ay dilaan dagaalyahanada gudaha u galay xarunta.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kaas oo noqonaya weerarkii u horeeyay noociisa oo xarun dawladeed lagu qaado in muddo ah.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.