WorldRemitAds

Nin dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Masar, kana tirsan ururka khubarada xidigiska iyo cilmi falaga ee dalka Maraykanka, oo lagu magacaabo, Dr. Axmed Shahin, ayaa sheegay in Donald Trump la dili doono isaga oo aan dhamaysan afarta sanadood ee loo doortay madaxtinimada dalka Maraykanka.

Dr. Axmed Shahin ayaa ka mid ahaa dadkii tiradda yaraa ee sanad ka hor sii saadaaliyay in Donald Trump ku guulaysan doono, doorashada Dalka Maraykanka, waxaanu Dr. Axmed Shahin sanadkii 2015-kii, saadaaliyay, in saacadaha ugu danbeeyay ee doorashada isbadal dadka oo dhan ka wada yaabiya dhici doono, wax walbana is badali doonaan marka la gaadho labada saacadood ee ugu danbaysa tirinta codadka iyo guddiyada doorashooyinka ee (electro college)-ka loo yaqaano la gaadho.

Dr. Axmed Shahin oo sidaa hore u soo xusnay ka mid ah golaha Golaha khubarada xidigiska ee dalka Maraykanku ku midoobeen, ayaa saadaashiisa sanadkii hore uu ku sheegay in Donald Trump ku guulaysan doono madaxweyne nimada Maraykanka, ku sheegay haddii fadeexadaha iyo eedaha loo soo jeedinayaa ay aad u bataan inuu noqon doono madaxweynaha rasmiga ah ee Maraykanka.

SomlegalAds

Waxa uu ninkan xidigaha ka faaliyaa sheegay, in Donald Trump noqon doono madaxweynihii ugu shacbiyada yaraa, suura galna ay noqon doonto in xilka loo dhaariyo, isagoo lagu mudaharaadayo oo kacdoon ku socdo.

Waxa kale oo uu saadaliyay in dalka Maraykanku dhibaato ka mudan doono inta uu xukunka hayo, laakiin aanu wada dhamaysan doonin ee la khaarajin doono, uuna ku biiri doono Madaxweynayaashii Maraykanka ee la dilay iyagoo xilka haya.

2048x1152Ninkan Xidigaha ka faaliya ee Masriga asalkiisu yahay, ayaa saadaliyay in Donald Trump iyo laamaha kala duwan ee ciidamadu isku dhici doonaan inta uu xilka hayo oo ay suura gal tahay, in khilaafkii ugu xumaa ee soo dhex gala ciidamada Iyo Aqalka cad dhaco.

Dr. Axmed Shahin oo ka hadlaya qaabka dilkiisu u dhici doono, ayaa sheegay in nin shiish yahan ahi toogan doono, kaas oo sida uu sheegay ka mid ah ururada xag jirka ah, laakiin muu sheegin xag jirka ay noqon doonaan oo wuu ka gaabsaday, waxaanu ku adkaystay in saadashani u dhici doonto sidii tii hore ee sanadkii 2015-tii ku saadaaliyay guusha Donald Trump oo kale, wakhtiga ay ku beegmaysaana yahay intaan muddada afarta sanadood ah ee uu ku guulaystay aanu dhamaysan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.