WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, March 31, 2018 (Saxafi) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa ku kala calaf qaadaya fadhi ay ku yeelanayaan xarunta golahaasi ee magaalada Muqdisho sida la filayo maanta.

Xildhibaannada gollaha shacabka oo haatan u kala fadhiya laba garab oo kala taageersan gudoomiye Jawaari iyo mooshin ka dhan ah gudoomiyaha ayaa haatan khilaafkoodu marayaa halkii ugu saraysay.

SomlegalAds

Gudoomiye Jawaari iyo xildhibaanada taageersan oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa shaaciyey in fadhiga maanta ee golaha lagaga hadlli doono arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xaalada magaalada Beledxaawo ee ku taala xuduuda Kenya, iyadda oo aaminsan inuu sharci ahaan u jabay mooshinkii laga keenay gudoomiye Jawaari, halka garabka ka soo horjeeda ee uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad ay shaaciyeen in fadhiga maanta golaha lagu horkeeni doono mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari.

Sidoo kale, dood adag ayaa ka taagan cidda gudoomin doonta fadhiga golaha shacabka, maadaama oo garabka gudoomiye Jawaari ay doonayaan inuu guddoomiyo fadhiga, halka xildhibaanada garabka kalana ay damacsan yihiin inuu gudoomiye gudoomiye ku xigeenka 1aad maadaama mooshin laga keenay gudoomiyihii, arrintaas oo sii hurinaysa khilaafka u dhaxeeya xildhibaanadda golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawlada federaalka ah Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isagu afka ka xidhay khilaafka ka taagan golaha shacabka, waxaanu ka gaabsaday inuu sameeyo dedaalo uu ku xallinayo, waxaana lays waydiinayaa wakhtiga la dareemayo garabka uu taageersan yahay iyo midka uu ka soo horjeedo, iyada oo raysal wasaarihiisu uu si dadban gacanta ugula jiro khilaafka golaha shacabka.

Dhinaca kale, guddi ka socotay aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ku hawlanaa xal u hellida khilaafka golaha shacabka ayaa sheegay inay farraha kala baxeen iyada oo qaarkood ay is casileen, waxaanay taageero u muujiyeen garabka gudoomiye Jawaari oo ay tilmaameen inuu sharci ku taagan yahay.

Fadhiga xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya ay yeelanayaan maanta ayaa si weyn looga warwarsan yahay natiijada ka dhalata iyo saamaynta uu ka tago.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.