WorldRemitAds

Illaahay ayaa mahadleh ka illaahnimadiisa cidi ayna kulamaanayn ee sharafta badan iyo mulkigiisuna warayo iyo waynida, illaaha boqorka ah ee cidkale aan u baahnayn, illaaha qaniga ka ah dhamaan khalqiga uu abuuray ee cidkastoo khalqigiisa ka mid ahi ay ugu baahantahay si joogta ah,

illaaha cida uu doono waafajiya hanuunka iyo toosnaanta ee dhandhansiiya macaanka ay leedahay cibaada illaahay, kuwa uga orday hurdada macaan dhinacyadooduna jiifka ay ka dheeranayaan, hadii aad arki lahayd guura galka ay ugu jiraan cibaadada waxa aad arki lahayd kuwa illaahay danbi dhaaf waydiisanaya, kuwa illaahay uga cabanaya dhibaato kale iyo kuwa xuskiisa uga mashquulay wax ay waydiisan lahayn,

Waxa xumaan ka nasahan illaaha baraarujiyay kuwaa ee toosiyay iyadoo dadku hurdaan, illaahay ayaa barako badan, illaaha cafiska iyo danbi dhaafka bixiya dunuubta adoomadiisana astura ee khalqiga oo dhan nimcadiisa gaarsiya, illaahay ayaan ku mahadinayna nimcooyinka uu na siiyay waxana aanu waydiisanayna inuu noo dayimiyo nimcooyinkiisa, waxa qirayaa in illaahay mooye illaah kale jirin cibadadiisana cidkale aan loo shariik yeeleyn cisina waxa leh cida uu illaahy ciseeyo dulina waxa leh cida iska waynaysa adeecidiisa.

SomlegalAds

Waxa kaloo aan qirayaa in Nabi maxamed uu yahay adoonkiisi iyo Rasuulkiisi kala cadeeyay xaraanta iyo xalaasha Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, isaga iyo asxaabtiisaba uu ka mid yahay abu bokor kula sidiiqay  godkii ay galada ay ka geleen khayrkana kula rafiiqay, cumar binu khadaab kii la waafajiyay xaqa, cismaan binu cafaan kii ku samray balaayada ee ku shahiiday laguna dilay gacanta cadowga illaahay iyo Cali Nabiga inaadeerkii iyo 21 bisha ramadaan iyo ragii ay kulmisay ee iskugu yimi bisha ramadaan ee lahaa asxaab iyo taabiciin iyo cidii xaqa ku raacday waxa u sugnaaday wanaag Nabadgelyo N.N.K.H

Waxaynu soo gaadhnay tobankii ugu danbeeyay ee bisha ramadaan waxana ku sugan khayraad iyo ajar faro badan waxa kaloo ay leedahay fadliyo aad u balaadhan sidaa darteed waxa aanu isku dayi doona in aanu wax ka tilmaamno fadliga tobadnka danbe, waxyaaba u khaaska ah tobanka danbe ee bisha ramadaan, Nabigu (CSW) aad ayuu ugu dadaali jiray cibaadada weliba si aanu u dadaalin wakhtiyada kale waxa ku sugan saxeexul muslim Xadiiska Caa’isha laga soo warinayo (RC) (Nabigu (CSW) wuu ku dadaali jiray cibaada tobanka danbe si aanu u dadaalin jirin wakhitiyada kale)

Waxa ku sugan Bukhaari iyo Muslim xadiisyo tilmaamaya siduu Nabigu (CSW) uu u cibaadaysan jiray tobanka danbe ee bisha ramadaan waxana ka mid ah (Marka ay gaadho tobanka danbe ee bisha ramadaan nabigu (CSW) guntiga ayuu u adkaysan jiray, habeenkana wuu noolayn jiray ehelkiisana wuu toosin jiray)

Xadiiska laga soo warinayo Caa’iisha (RC) (Nabigu (CSW) labaatanka ugu horeya ee bisha ramadaan marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray laakiin tobanka danbe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuuna u adkaysan jiray).

Axaadiistani waxay ay ina tusayaa fadliga faraha badan ay leedahay tobanka danbe ee bisha ramadaan iyo sidii uu Nabigu (CSW) u dadaali jiray inagana aynala gudbontahay in aynu ku dayano, Mar hadii Rasuulkii illaahay (CSW) uu u dadaali jiray si aanu u dadaali wakhtiyada kale dadaal dhamaystiran oo ah  dhinaca kasta oo ah cibaadada ah, hadii ay tahay salaada, quraanka akhriskiisa, digriga illaahay, sadaqada bixiteeda iyo wixii la mid ka Marka Nabigu (CSW) uu guntiga adkaysanayay macnaheedu waxay tahay wuxuu ka durkayay habeenkiisa si uu ugu go salaada iyo xuska illaahay habeenkana waxa uu ku noolaynayay salaad iyo quraan iyo xusuusta illaahay oo ah qalbiga carabka iyo xubnahaba.

Sharafta habeenadani leeyahiin iyo Raadinta laylatu qadriga qofka ku dadaala isagoo rumaysan illaahay oo illaahayna ka ramaynaya danbi dhaaf iyo naxariis Illaahay wuu dhaafa wixii danbi hore ee uu galay, muu qaalka xadiiska waxa aad ka arkaysaa in ay wanaagsan tahay in habeenkii lagu nooleyo cibaada illaahay iyo xusuustiisa iyo quraanka iyo salaada ilaa loo diyaar garoobo suxuurta.

Caa’isha (RC) waxay tiri (MA GARANAYO AYAY TIRI HABEEN UU NABIGU (CSW) UU ISTAAGAY ILAA WAABIRIGA) halkaas waxanu ka fahmi karnaa in uu Nabigu (CSW) uu kici jiray habeenka intiisa danbe,  habeenadaa noolayn teedu waa mid wada sugan weliba tobanka danbe ee bisha ramadaan Salaatu laylka iyo Noocyada kale ee ah cibaadada.

Waxa xadiisyada ina tusayay fadliga ay leeyihiin tobanka danbe ee bisha ramadaan ee ay ka mid yihiin, in uu Nabigu (CSW) uu toosin jiray ehelkiisa si ay u tukadaan salaada isagoo ku dadaalaya si ay uga faa’iidaystaan habeenadan barakaysan ee qofka cibaadaysta u noqonaya fursada soo martay cibriga noloshiisa waxana ka faa’iidaysta qofka illaahay waafajiyo, lama gudboona qofka muumunka ah ee caqliga leh in uu iska dhaafo fursadaan qiimaha leh oonay ka faa’iidaysan isaga iyo ehelkiisu waana habeeno tirsan waxana laga yaaba in illaahay ku waafajiyo raxmadiisa waxyaaba aad ku kasbato oo aad ku liibanto aduunyo iyo aakhiraba.

Waxa wax aad looga xumaada ah khasaare iyo muragana leh in aad arkayso in badan oo ka mid ah muslimiinta oo wakhtiyadan qiima badan leh uu kaga lumayaan waxyaabo aan waxba u anfaceyn iyagoo habeen oo dhan ku soo jeedaya dheel dheel iyo laqwi marka ay gaadho wakhtigii salaadana iska seexanaya waxa ay naftoodi seejiyeen khayr badan waxana laga yaaba in aanay fursadaano kale dib u soo marin, hadaba kuwa la ciyaaray shaydaanka iyo khiyaamadiisa ee uu ka gooyay wadadii illaahay loo marayay illaahay waxa uu yidhi (SW) “Adoomadayda uma lihid wax awood ah oo aad ku kaxaysato mid halowsan oo ku raaco mooyane” [Suuratu al Xajar-42]

Waxaynu ognahay in aan qofka caqliga lihi shaydaanka iskaashi la yeelanayn inta illaahay ka sokaysa isagoo garanaya in uu yahay cadowgiisa taasina waa waxgarashada wanaagsan ee caqliga iyo iimaankuba ay diidayaan, illaahay waxa uu yidhi (SW) “Ma waxaad ka dhiganaysaan tafiirtiisa qaar aad kaashataan aniga sokadayda iyagoo idiin ah cadow waxa xumaaday kuwa halowsani waxa ay wanaaga dhaafsadaan” [suuratu kahfi-50]

Illaahay markale waxa uu yidhi “shaydaanku waxa uu idin yahay cadow ee idinkuna ka dhigta cadow in kale maaha waxa uu idinku yeedhayaa in aad noqotaan xusbigiisa si aad u noqotaan dadka naarta lagu guro”[Faadir-6]

Waxayaaba u gaarka ah tobankan waxa ka mid ah In uu Nabigu (CSW) uu samayn jiray citikaaf, ictikaafku waa adiga oo laasima masaajidka si aad wakhti ugu hesho cibaada illaahay waana sune ku sugan kibaatka illaahay iyo sunaha rasuulkaba (CSW) illaahay waxa uu yidhi (SW) “Hala macaamilina dumarka intaad ku jirtaa ictikaafka masaajidka taasi waa xudhuudi illaahay hana u dhowaanina sidaa ayuu illaahay ayaadkiisa dadka ugu cadaynayaa waxay mudan tihiin in aad illaahay ka cabsadaan” [albaqra-187]

Nabigu (CSW) ictikaafka wuu sameyay asxaabtiisuna intuu noola iyo intii ka danbaysay way la iman jireen, Abi Siciid Al khudri waxa laga soo wariyay in uu yidhi (NABIGU (CSW) Waxa uu ictikaafay tobankii hore ee ramadaan dabadeena tobankii dhexna wuu ictikaafay, dabadeedna waxa uu yidhi anigu waxa aan ictikaafay tobankii hore weliba waxan si adag i sii ictikaafaya habeenkan caawa ah ka dibna waxa uu ictikaafay tobankii dhex waan u imi wuxuna igu yidhi waa tobankii ugu danbeyay ninkii doona inuu ictikaafo ha ictikaafo)  Saxeexankana waxa ku sugan ee caa’isha (RC) laga soo wariyay (NABIGU (CSW) WUU ICTIKAAFI JIRAY TOBANKA DANBE EE RAMADAAN ILAA INTUU DHIMANAYAY) dumarkiisuna way ictikaafay isaga Rasuulka (CSW) dabadii waxa kaloo caa’isha (RC) laga soo wariyay (In uu nabigu (csw) uu ictikaafi jiray ramadaan kasta toban cisho laakiin sanadkii uu geeriyooday (n.n.k.h) waxa uu ictikaafay 20 maalmood). Anas (RC) waxa laga soo wariyay (Nabigu in uu ahaa kii ictikaafay tobanka danbe ee bisha ramadaan, sanadna uuna ictikaafin laakiin sanadkii ka danbeyay ayuu 20 ictikaafay)

Ictikaafka waxa looga jeeda in uu qofku ka go’o dadka si uu wakhti ugu helo cibaada illaahay midka mid ah masaajidada gudihiisa, isagoo doonaya fadliga iyo abaalmarinta la kulanka laylatu qadriga sidaa darteed waxa la gudboon qofka ictikaafka samaynaya in uu ku mashquulo digriga illaahay quraanka akhriskiisa iyo salaada iyo cibaadooyinka kale waana in uu ka dheerado sheekooyinka aan waxba tareen ee aduunyada dhibaatona malaha in uu in yar la sheekaysto ehelkiisa ama cidii kale ee daruuri ah.

Waxa laga soo wariyay Safiya (RC) Hooyadii muuminiinta Nabigu (CSW) Isagoo ictikaafka ayaan u imi oo aan soo booqday habeen waana aan la sheekaystay ka dibna waan kacay si aan u tago nabiga (CSW) nabiguna (CSW) waa uu soo kacay sidiibana aan kaga tagay)

Waxa laga soo wariyay Safiya (RC) Hooyadii muuminiinta Nabigu (CSW) Isagoo ictikaafka ayaan u imi oo aan soo booqday habeen waana aan la sheekaystay ka dibna waan kacay si aan u tago nabiga (CSW) nabiguna (CSW) waa uu soo kacay sidiibana aan kaga tagay)

Qofka ictikaafka samaynaya waxa ka xaaran ah in uu u galmoodo gabadhiisa, soo bixitaanka qofku ka soo baxayo masaajidka waxay noqonayaan sidan.

In uu soo baxo qofku arin daruuri ah sida qofka oo kaadi taga ama soo waysaysanaya ama soo madhanaya, cuno iyo cabid doonanaya taa waa la ogal yahay hadii aan masaajidka gudihiisa laga helayn, hadii baahiyahaan masaajidka gudihiisa laga helayo lama ogala qofku in uu baxo, hadii qofka biyaha iyo raashinka loogu keenayo masaajidka dhexdiisana lama ogala inuu baxo.

In loo baxayo arin daacadka ka mid ah taas oo aan kugu waajibinayn sida qof buko oo la soo booqdo ama jinaasad laga qayb galo iyo IWM qof u bixi maayo hadii aanay wax shuruud ah aanay jirin marka hore marka hore ee ictikaafka uu galayo sida inuu soo booqdo qofka buka ama uu ka baqayo inuu gaariyoodo waa in marka hore ee bilowga ictikaafkiisa shuruudku sii darsadaa shuruud taas oo ah hadii arimihaasi yimaadaan in uu ka qayb galo, qofka shuruuda dhigta wax dhib ihi dushiisa ma aha.

Bixitaanka arin ka hor imanaysa ictikaafka sida wax iibinta iyo hawlaha ganacsiga ama dumarkaaga oo aad u galmooto iyo IWM hadii uu shuruud dhigtay iyo hadii uuna dhiganba looma ogala inuu masaajidka ka baxo waayo ka baxayaa xadkii ictikaafka ee ku koobnaa cibaadada.

Waxyaabah u khaaska ah Tobanka danbe ee bisha ramadaan waxa ka mid ah in uu ku jiro laylatu qadri kaas oo ka khayr badan 1000 bilood, hadaba waxa lala gudboon in aynu garano fadliga ay leedahay tobankan habeen oo aynan dayici wakhtigoogu waa qaali khayr kooguna wuu badan yahay.

Illaahayow waxa aad na waafajisaa wixii khayr inoo leh aduun iyo aakhiraba illaahayow danbigayaga dhaaf iyo ka waalidiinkayada iyo dhamaan muslimiinta Nabigeeni Maxamed ahaa N.N.K.H isaga ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo dhamaan cidii xaqa ku raacda ilaa qiyaamaha , illaahay baana waafajinta leh.

Turjumayaasha iyo Qorayaasha: C/fataax Xasan Aadan, Axmed Ismaaciil (Bucul) iyo Siciid Cumar Yuusuf

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.