WorldRemitAds

Fananaada caanka ah ee Hayfa Wahbi ayaa markii ugu horaysay taariikhda shaacisay, war aan hore loo hayn ama dadka inta ogi aad u yar yihiin, taas oo la xidhiidha jacayl ay u qabto hogaamiyaha ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan Sheekh Xasan Nasrallaah.

Hayfa Wahbi oo dhawaan waraysi gaar ah siisay idaacad laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka warantay, guurkeedi iyada iyo hogaamiyaha ururka xisbullaah Sheekh Xasan Nasrallah, oo ay ku tilmaantay guurkeedi ugu fiicnaa, kaas oo sida ay sheegtay ahaa kii ugu horeeyay ee ay ku indho baraqsatay.

Fanaanada reer Lubnaan Hayfa Wahbi ayaa Sheekh Xasan Nasrullah ku tilmaantay hogaamiyaheeda Ruuxiga ah, kaas oo sida ay hadalka u dhigtay, sawirkiisu qalbigeeda ku rakiban yahay, waligeedna aanay ilaawayn noloshii macaanka badnayd ee ay la soo qaadatay.

SomlegalAds

Hayfa Wahbi ayaa sheegtay in Xasan Nasrullah uu yahay hogaamiyaha ugu wanaagsan uguna xigmada iyo halku dhegyada wanaagsan dhamaan hogaamiyayaasha carabta, waxa kale oo ay ku tilmaantay hogaamiyihii dalka Lubnaan ka xoreeyay qabsashadii Isreal.

Hayfa Wahbi oo marar kala duwan amaan u tuushay hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegashadeedan ay ku dooday inuu yaraanteedi guursaday aad uga yaabisay rayul caamka guud, iyo dadka aqoonta u leh ee dalka Lubnaan ku dhaqan kuwaas oo ku doodaya in aanay waligood maqal in Hayfa Wahbi iyo Sheekh Xasan Nasrullah ay Is guursadeen.

Waraysigan ay fanaanadan caanka ka ah dunida carabtu ku cadaysay in Sheekh Xasan Nasrullah Hogaamiyaha Xisbullah yaraanteedi guursaday, waxa uu noqday kii loogu daawashada badnaa isla markaana laga bixiyay aragtiyihii ugu tirada badnaa, kuwaas oo intooda badan layaab iyo looma fadhi ay ku tilmaameen dadkii tiradda badnaa ee aragtidooda ka dhiibtay.

Hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Sheekh Xasan Nasrullah ayaa marar kala duwan jariirada Times ee dalka Maraykanka ka soo baxdaa, ku dartay boqolka qof ee ugu saamaynta badan dunida, waxaanu ka mid yahay dadka ugu xigmada iyo halku dhegyada sareeya guud ahaan hogaamiyahaasha bariga dhexe, waxa kale oo lagu tiriyaa hogaamiye garab daar leh oo tiraba dhowr jeer oo uu arrimo taagan ku dhaartay ay wax walba u dhaceen sidii uu u saadaaliyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.