WorldRemitAds

Fanaanada Muusiga Pop-ka ee Lady Gaga, oo ka mid ahayd xidigihii iyo dadkii caanka ahaa ee taageeradooda ay u hayaan, Musharaxii xisbiga Dumuqraadiga Maraykanka ee Hillary Clinton cadaystay, ayaa iyadoo fuushan gaadiidka xashiishka qaada ee magaalada New York, ka hor mudaharaaday Taawarka caanka ah ee Donald Trump.

Lady Gaga oo cadhada ay ka qaaday guusha Donald Trump saaqday ayaa dheega kaga soo booday gaadiid tiro badan oo kuwa xashiishka ka gura magaalada New York, oo isku gadaamay fooqa cirka ku shareerran ee Donald Trump ku leeyahay magaalada xarunta ganacsiga aduunka ee New York.

Fanaanada ayaa gacana ku qabsatay gaadhiga gacanta kalana ku qaadatay halku dheg ay ku cabirayso sida ay uga xumaatay guusha Donald Trump oo ahaa musharaxii xisbiga Jamhuuriga Maraykanku ka gaadhay doorashadii dalkaas ka dhacday.

SomlegalAds

lgaga_04Lady Gaga waxa ay gacanteeda bidix oo ay kor u lulayso ay ku qabsatay, Halku Dheg ay ku qoran tahay, “Waxaan Necebahay Donald Trump Iyo Taageerayaashiisa, kaas oo marka afka qalaad ee Ingiriisiga lagu qoro noqonaya “Love Trumps Hate”.

Dibad baxan fanaanada Lady Gaga waxa uu ka mid ahaa dibad baxyo waaweyn oo ka dhacay dalka Maraykanka, kuwaas oo lagaga soo hor jeeday guusha musharaxa Jamhuuriga Donald Trump, waxaanu noqonaya mid taariikhda geli doona sida saxaafada dalka Maraykanku u dhigtay.

lady-gaga-protest-trumpFananaadan ayaa ku baaqday in la wado dibad baxyada lagaga soo hor jeedo, waxaanay sheegtay in Donald Trump yahay nin caniid muqafal ah oo kala qaybinaya dadka Maraykanka ah, dibna ugu celinaya qarniyadii hore ee la soo dhaafay.

In ka badan boqol fanaan oo caan ka ah dalkaas iyo warbaahinta ugu waaweyn oo si cad ula safatay, musharaxadii xisbiga Dumuqraadiga Hillary Clinton ayaa isu diyaarinaya, dagaal kaga yimaada Donald Trump iyo xisbiga Jamhuuriga gaar ahaan garabkiisa xag jirka ah.

Doorashada Donald Trump ayaa cabsi wayn ku riday dunida, waxaanu noqday madaxweynihii ugu horeeyay Maraykanka ee guushiisa laga wada naxo, si taxadir ku jirana waddamada xulafada la ah Maraykanku u soo dhaweeyaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.