WorldRemitAds

Fanaanada muusiga Boobka caanka ku ah ee Madonna oo ka mid ahayd dadkii sida wayn u taageersanaa, Musharaxii xisbiga Dumuqraadiga ee laga Guulaystay Hillary Clinton, ayaa cadaysay cadhada ay u qabto Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka, taas oo gaadhay inay aqalka cad qarxin gaadho sida ay sheegtay.

Fanaanada Madonna oo khudbad dheer ka jeedisay dibad baxyadii haweenka Maraykanka ee lagu diidanaa caleemo saarka Donald Trump, ayaa sheegtay in kacdoon shacab oo jacayl iyo wada jirka umada Maraykan dib loogu abuurayaa bilaabmay, kaas oo sida ay ku dooday socon doona ilaa ninka qalafsan ee foosha xumi ka tagayo Maraykanka.

Madonna oo khudbadii ugu dheerayd ka jeedisay fagaaraha Capital Hall ee dibada aqalka Congress-ka Maraykanka ku yaala, ayaa aad u cadhootay intii ay khudbada ku dhex jirtay, marar dhawr ahna ku sigatay inay erayo aflagaado ah ku duqayso Donald Trump.

SomlegalAds

rs_768x1024-170122134205-634-madonna-womens-march-washington-dc-2-kg-012217In kastoo ay markii danbe dadka ku yara dejisay codkeeda macaan oo ay u qaaday heestii Human Nature, ayaa intii ay hadalka ku gudo jirtay si wayn ugu rafaaday akhriska khudbadeedi, waxaanay ka cudur daaratay inaanay fanaaniintu ku fiicnayn khudbadaha fagaarayaasha laga jeediyo.

Madonna ayaa tidhi, “Aad baan u cadhooday oo waxaan ku fakaray inaan Aqalka cad qarxiyo, markii la caleemo saarayay Donald Trump, waxay ahayd maalintii iigu xumayd noloshayda ee aan nacayb iyo xumaanta ugu badan ku hamiyay.” Ayay tidho Madonna oo ilaa labo boqol oo kun oo qof oo ka qayb galay dibad baxii Donald Trump diidka ee Washington la hadlaysay.

Madonna ayaa ka mid ahayd tobanana fanaaniinta iyo xidigaha Hollywood ka mid ah oo ka qayb qaadanayay, dibad baxyada Donald Trump diidka ahaa ee maalintii sabtidii todobaadkan ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka iyo meelo badan oo dunida ka mid ah, kaas oo dhawr milyan oo qof ka qayb galeen.

Madonna ayaa hore warbaahinta ugu cadaysay inay muslimiinta taageeri doonto haddii Donald Trump wax dhibaato ah kula kaco, waxa kale oo ay sheegtay inay noqon doonto qof xuquuqda dadka dhibaataysan u ololaysa oo ay ka hadhi doonto heesaha iyo shaqada intaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.