WorldRemitAds

In badan oo ka mid ah fanaaniinta waaweyn ee dalalka carabta oo intii lagu jiray bishii Barakaysan ee Ramadaan hawlihii fanka joojiyay ayaa balan ku qaaday isla markaana shaaciyay in mudada Xajku socdo sanadkan ay gabi ahaanba aamusiinayaan Muusiga iyo dhawaaqooda, sidoo kale waxay codsadeen in Telefishanada iyo idaacaduhu hoos u dhigaan dhawaaqa heesa iyo muusiga.

Fanaaniintan ayaa sababta ku sheegay in ay doonayaan sidii iimaankaa ruuxiga ah iyo Shucuurta qiiraysan ee Xujaajta looga wada qayb qaato meel kastoo la joogo maadama oo xiligan la haysto tv-yo meel walba warka iyo muuqaalka kugu soo gaadhsiinaya.

Waxa kale oo jira kuwo dhawaan uun sii ababixiyay ama sii sagootiyay saaxiibadood oo qiiraysan. Sida dad badan oo ka faalooda arimaha fanka iyo diintu sheegeen sanadihii u danbeeyay waxa isa soo tarayay dadka fanaaniinta ah ee ka baxay arimihii fanka, kuwa xijaabanaya iyo kuwa musalsalada islaamiga ah u badeshay dhinicii fanka, waxay sanadihii u danbeeyay ahaayeen kuwii nabi amaanka ugu baddan ay fanaaniintu tiriyaan, isla markaana soo saaraan filimadii ugu badnaa ee islaamiga ahaa.

SomlegalAds

Waxa arimahan intooda badan loo aanaynayaa fahamka diiniga ah oo sii kordhay iyo dadka fanaaniinta laftooda oo fankii iska nacay, waxa kale oo arintan qayb wayn ka sii qaatay xag jirnimada sii kordhaysa ee reer galbeedku ku naqdiyaan Islaamka iyo diintooda.

Waxa kale oo jira dadka Ganacsatada waaweyn iyo maamuladda Shirkadaha oo iyaguna u kala dheeraynayay sidii ay fanaaniinta u siin lahaayeen fursado shaqo oo ay kaga maarmaan fanka, halka soo gudashada waajibaadka xajkana ay in badan u fududeeyeen ama ka wada bixiyeen kharashka ku baxaya.

Dallalka loogu jecel yahay fanka ee dunidda Carabta sida Masar iyo Lubnaan ayaa sanadihii ugu danbeeyay lagu arkayay Fanaaniin badan oo dhinaca diinta u noqday, waxa xijaabtay dumar badan oo fanaaniin ahaa, arintan ayaa si wayn u bedelaysa shacbiga iyo jiilalka soo koray, had iyo jeerna waxay fanaaniintani sheegaan in arimihii hore ee ay ku jireen ahaayeen kuwo dhaqan xumo iyo fitno ay shacbiga ku dhex faafinayeen.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.