WorldRemitAds
Dawladda Faransiiska ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay dunida ee sharci adag ka soo saara, dukaamada khudaarta khasaariya iyo dadka cuntada hudheelada ay ka iibsadaan iyo ta guryahooda, hambeeya, waxaana sida sharciga cusub ee dawlada Faransiisku soo saartay uu ganaax iyo xadhigba ku soo rogayaa cidii lagu helo.

Shairci adag oo laga soo saaray khudaartaSharcigan ayaa dukaamada waaweyn ee Super market-yada iibiya khudaarta ku amraya inay khudaartu inta aanay is badalin, ku caawiyaan xarumaha daryeelka derbi jiifka iyo qaxootiga, haddii kalana ay siiyaan dadka danyarta ah.
Dukaan kasta oo lagu helo cunto ama khudaar uu qashinka ku daray, waxa laga qaadi doona ganaax lacageed oo dhibaato ku noqon doona sida sharcigu dhigayo, sidoo kale dadka cuntada badan iska rita ee dhamayn waayana waxa uu sharcigani saaraya ganaax.
Sida xeer ilaaliyaha guud ee dalka Faransiisku sheegay, dukaamada waaweyn ee lagu helo iyagoo khudaar aadamigu u baahna khasaariyay ka dibna kudaafada ku daraya, lagu ganaaxi doono, shan iyo todobaatan kun oo Yuuro iyo labo sano oo xadhig ah.
Qof kasta oo cunto uu hanbeeyay ku dara qashinka ayaa isna mudan doona ganaax lacageed oo kun Yuuro gaadhsiisan, kaas oo haddii uu bixin waayo loogu badali doono bil xadhig ah.
Ganaaxyadan iyo sharcigan adag ee Faransiisku ka soo saaray, khasaarinta cuntada iyo khudaarta ee meheradaha ganacsi iyo dadkaba khuseeya, ayaa noqonayaa kii ugu adkaa ee abid laga soo saaro, hab dhaqanka xun ee musrifnimada cuntada iyo khudaarta.
Sida xeer ilaaliyuhu sheegay, dawlada Faransiisku waxa ay talaabadan sharci ee adag u qaadatay, ka dib markii ay ogaatay, in dukaamada waaweyn ee Super Market-yadu si xun u maamulaan raashinka iyo khudaarta ay iibinayaan, taas oo qiimo aad u sareeya iyo xadi badan oo aanay dhamayn Karin, inta ay isku daraan, ka dibna ay khasaarto khudaar aad u badan.
Waxaanu tilmaamay in khudrada maalin kasta qashinka lagu daro iyo cuntada kale ee la khasaariyaa, haddii si fiican loo maamulo yarayn karto baahida iyo saboolnimada, dad badan oo cunto u baahana lagu caawin karo.
Hay’adaha gargaarka ee dalka Faransiiska ayaa si wayn u soo dhaweeyay sharcigan cusub, waxaanay dawlada Faransiiska ku amaaneen, lacagta ganaaxa ee dadka sharcigan ku dhaqmi waaya laga qaado inay ku darto sanduuqa gargaarka aadaminimo ee dalka Faransiiska.
Sida ururada gargaarka aadaminimo ee dunidu sheegeen, saacad kasta waxa dunida gaajo ugu dhinta hal qof oo carruur ah, halka dhinaca kale ilbidhiqsi kasta qashinka lagu daro, raashin ku filan hal qoys, sida warbixino kala duwan oo ururada gargaarku soo saareen ay cadaynayaan.
Isku soo wada duubo, Akhriste waxa inaga lafteena la inooga baahan yahay inaan hoos u eegno, danyarta iyo masaakiinta dalkeena, oo ay ka jiraan dad badan oo baahi la ildaran, xishood dartiina aan u dawarsan Karin, kuwaas oo jaarkooduna bariiska iyo hilibka maalin walba qashinka ku darayaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.