WorldRemitAds
Dawladda Faransiiska ayaa shaacisay in taalo taariikhi ah, ay ka dhigayso gidaar uu nin farshaxan ah oo dalka Ingiriiska u dhashay, uu dhawaan ku sawiray aasaasihii shirkada Apple Steve Jobs oo qaxooti ah, kaas oo muuqaalkiisa meel fog laga soo arki karo.

Sida ay wakaaladaha wararka dunida u sheegtay Natasha Bouchard oo ah haweenayda Maayarka ka ah magaalada Calais ee waqooyiga dalka Faransiiska ku taala, oo uu ku yaalo gidaarka uu farshaxanka reer Ingiriis ee Joy Millward oo ku caan ah Banksy, uu ku sawiray aasaasihii shirkadda Apple Steve Jobs oo qaxooti ah.
Gidaarka iyo sawirka aasaasihii Apple ee taalada laga samaynayo Maayarka ayaa sheegtay in dawlada Faransiisku ay sawir gacmeedkan gidaarka ku yaala xerada qaxootiga reer Suuriya la dejiyay uu ku sawiray farshaxanku, ogaatay mar danbe oo warbaahinta uun ay ku arkeen, laakiin ay si deg deg uga dhigi doonaan taalo ka mid noqon doonta goobaha taariikhiga ah ee dalkaas.
Sida haweenaydan masuulka sare ka ah dalkaasi sheegtay, waxa sawirkaas iyo gidaarka uu ku yaalo, lagu xidhi doonaa, muraayado waaweyn oo kuwa aan xabaddu karin ah, si aan loo masixin ama aan wax kale loogu dul qorin.
Farshaxanka Ingiriiska ah ee Banksy, oo isagu caan ku ah, sawirada saamaynta iyo raadka ku reeba dadka, ayaa isagu had iyo jeer waxa uu sawiradiisa ku xardhaa, goobaha aan aadka loo qiimayn, gaar ahaan meelaha dadka danyarta iyo masaakiintu ku nool yihiin.
Laakiin wax yar ka dib marka la ogaado waxay noqota goobaha ugu caansan dunida ee loo dalxiiska tago, waxaanu isagoo ka hadlaya, sawirkan iyo sababta ku dhalisay? Uu sheegay inuu aad uga xumaaday sida loola dhaqmayo dadka qaxootiga ee dalka Suuriya.
Kuwaas oo sida uu sheegay aan helin xuquuqdi ay xaqa u lahaayeen, sidaa awgeed uu go’aansaday inuu dadka moodaya inay hantidooda iyo waddankooda duulaan ku yihiin uu xasuusiyo, in Steve Jobs oo aasaasay shirkada Apple ee ugu horaysa qalabka tignooliga casriga ah ee dunida, kana mid ah shirkadaha hantida iyo wax soo saarka ugu badan dunida, uu dhalay aabe soo galayti reer Suuriya ah.
Kaas oo xitaa noloshu u saamixi wayday inuu korsado, ka dibna uu sidaa ugu gacan galay qoyska korsaday ee reer Jobs oo uu sharciga iyo waxbarashadiisi ku helay, ilaa uu ka dhimanayayna uu ku abtirsanayay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.