WorldRemitAds

Mid ka mid ah jariiradaha ugu caansan uguna caalamisan dalka Faransiiska oo lagu magacaabo, Le Monde, ayaa markii ugu horaysay taariikhda Wargeyskaas, loo doortay haweenay inay tifaftire ka noqoto, ka dib markii sida la sheegay ay fadhi iyo kulan lagu dooranayay tifaftiraha wargeyskaas ay yeesheen, gudida sare ee tifaftirayaasha wargeysku.

Jimcihii ayaa Natalie Nougayrède oo 46-jir ah ay doorteen gudida sare ee tifaftirayaasha wargeyskaasi, taas oo dhaxli doonta saxafi aad looga wada yaqaano dalka Faransiiska oo lagu magacaabo, Eric Azruelevich, kaas oo geeriyooday bishii November ee sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Haweenaydan oo ay mulkiilayaasha jariiradu ku soo dareen liiska musharaxiinta ayaa la yaab ku noqotay dadka badankoodu markii ay maqleen, ama ka war heleen in la doortay, sababtoo ah waxa ay noqonayaa markii koowaad ee loo doorto haweenay hawshaa balaadhan ee wargeyska inay masuul ka noqoto gaar ahaan qaybta tifaftirka.

SomlegalAds

wargeyska-le-mondeHaweenaydan oo shaqada wargeyskan bilowday sanadkii 1996-kii, waxa ay wargeyska u ahayd wariyaha arrimaha dublamaasiyada uga soo waranta, waxaanay ka soo shaqaysay magaalooyin badan iyo caasimaddo kala duwan oo caalamka ah.

Meelaha ay aadka uga soo shaqaysay waxa ka mid ahaa, magaalada Moscow waxaanay ka mid ahayd dadkii jariiradu siisay abaal marinta ugu saraysa ee dhiiri galinta ay u bixiso jariiradu, sida wakaaladaha wararku dunidu sheegtay waxa haweenaydaas sanadkii 2005-tii, la siiyay abaal marinta “Albert Ondris”.

Jariiradan oo hantideeda lagu qiyaaso ilaa boqol milyan oo Yuuro waxa ay ka mid tahay kuwa ugu caansan qaarada Yurub, waxa la aasaasay jariirada Le Monde, sanadkii 1944-kii, waxaanay soo martay dhibaato dhaqaale oo ay la soo kacaa kuftay, hasa yeeshee ugu danbayntii waxa ay noqotay mid isku filaasho dhaqaale gaadhay.

Jariirada Le Monde ayaa ah mid dhex dhexaad ah oo dhinaca bidix raacsan isla markaana ka waranta is dhex galka bulshada, waxa ay ka mid tahay wargeysyada taageera soo galaytiga dalka Faransiiska ku soo badanaya in la siiyo muwaadinimo buuxda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.