WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 03, 2014 (Saxafi) – Jiif Caaqil Kayse Badde Cabdille, oo ka mid ah madax-dhaqameedyada Somaliland, oo maalintii shanaad ku xidhan saldhiga dhexe ee booliska ee magaaladda Hargeysa ayaa shalay fariin ka soo tabiyay Xabsiga.

Caaqilkan oo uu booqday Wariye Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay), ayaa noqday maxbuuskii u horeeyay ee isaga oo cadaalad daro tirsanaya hadana dareen wadaniyadeed hambalyo ugu dira xuska sannadguuradda aasaaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sidoo kale fariin uu ku faah-faahinayo  cadaalad darada uu tirsanayo uu u diray Wasiirka  Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, iyada oo Wasirka daakhilugu uu hore u soo saaray wareegto nuxurkeedu ahaa illaalinta karaamadda madax-dhaqameedka, waxaanu yidhi. ”Ugu horayn, waxaan si niyadsan ah oo wadanimo leh aan hanbalyo iyo bogaadin halkan uga dirayaa dhamman shacbi weynaha Somaliland gaar ahaan ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland xuska munaasinadda sannadguuradda ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska Somaliland, awgeed oo ku beegan maalinta beri ahoo ay taariikhdu tahay 03/11/2014, aniga oo ogsoon kaalinta qiimaha leh ee ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland ay ugu jiraan sugida amniga iyo guud ahaan illaalinta xasiloonida wadanka ee ay habeen iyo maalinba sida hagar la’aanta ah ay heeganka ugu yihiin, Hadaba, aniga oo xadhig dulmi ah iyo cadaalad darraba tirsanaya, waxay damiirka iyo wadaninimaduba i farayaan in aan w xuska muniisanadan awgeed aan hamblayo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Taliyayaasha, Taliye xigeenada, saraakiisha,  saraakiil xigeenadda, Alifleyda dableyda iyo dhammaan xaasaskooda iyo caruurtooda,. hadaba, aniga oo ku sugan saldhiga dhexe ee booliska ee Hargeysa, oo aan muddo shan cisho ah si cadaalad darro ah ugu xidhanahay, iyada oo sida uu sharcigu dhigayo  aan xaq u lahaa in muddo 48 saacadood gudahooda maxkamad la igu hor geeyo hadii aan wax danbi ah leeyahay, nasiib darro, may dhicin, waxaanan 72 saacadood oo muddo dhaaf ah ku xidhanahay saldhiga dhexe, iyada oo aan la ii sheegin danbiga iyo sababta aan ku xidhahay wax maxkamad ahna aan la hor geynin”.

Cheif Caaqilka oo waxa uu fariin u diray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Iyo Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland waxaanu yidhi

SomlegalAds

”Hambalyada xuska munaasibadan ka sokow, aniga oo  maamuus iyo qadarin idiin haya, waxaan ka codsanayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Md Wasiir  Cali Maxamed Warancade iyo Md Sareeyo guuto Cabdillahi Fadal Iimaan, aniga oo ah madax dhaqameed gef iyo cadaalad darro tirsanaya, isla markaana dalkan tacab badan ku leh, hadii wax danbi ah leeyahay in degdeg maxkamad la ii hor geeyo, hadii kalena, si dhakhso ah xoriyadaydii la ii soo celiyo la igana qanciyo sababta gefkaa iyo cadaalad daradda la iigu geystay”. Ugu danbayntii, waxa uu caaqilku hadalkiisii ku soo gabagabeeyay duco waxaau yidhi ”Ilaahow xaqa iyo cadaaladda na garansii, Jamhuuriyadda Somalilnd-na u sii siyaadi horumarka, nabadgelyda iyo xasilloonida ay ku naaloonayso”., ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Chief Caaqil Kayse Badde Cabdiile.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.