WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, July 23, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha dawladda itaalka daran Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aamini waayay madaxtooyaddiisa, islamarkaana hoy ka dhigtay xarun ciidan.

Farmaajo oo Somalia dib ugu noqdey Jul 19, 2018 ayaa kulamo la qaatey Ra’iisal wasaarihiisa Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha aqalka wakiillada iyo madax ka tirsan hay’adaha amniga.

SomlegalAds

Farmaajo ayaa markii uu dib ugu noqdey Muqdisho dagay xerada ciidamada ee loo yaqaan General Gordon oo ku taalla Warshadii hore ee Caanaha ee magaallo madaxda dalka Somalia.

Xerada General Gordon oo lagu tababaro ciidamo ayaa waxaa dhismayaal iyo dayac tir ka sameysay dawlada Imaraadka Carabta, oo askar badana halkaasi tababar ku siiyay, ka hor intii aanu xumaan xidhiidhka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogo lagu kalsoon yahay oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in sarakisha Villa Soomaaliya ay shaki ka muujiyeen amniga Madaxtooyada kadib weerarkii Al Shabaab 14-kii bishan ku qaadey koonataroolada laga ilaaliyo aqalka looga arimiyo dalkaas.

Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa rumeysan in weerarkii lala beegsadey baro kontrool oo ku dhow Villa Somalia lagu wadday  Madaxweyne Farmaajo oo halkaas marey saacado ka hor isagoo ku sii jeeda Brussle oo Somalida loogu qabtay kulan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan uu la qaatey Gudoomiyaha aqalka hoose ee Baaarlamaanka kala hadlay sida aanu ugu Farxin xidhitaanka Kalfadhiga Gollaha wakiillada isaga oo aan waqtigiisa dhameysan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhankiisa cabasho ka muujiyey sida la sheegay shaqo joojin lagu sameeyey laba ku xigeen oo ka tirsan hay’ada sirdoonka Somalia, isagoo sheegey in aan lala socodsiin, warka xil ka qaadistana uu ka maqley saxaafada.

Afhayeenka aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku-sime ka ahaa xilka Madaxweyne tan iyo intii Madaxweyne Farmaajo safarka ugu maqnaa dalka Belgium.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa culeys weyn ka haya sidii ay dib u dhis ugu sameyn laheyd Hay’adaha amniga maadaama madaxda sare ee Villa Somalia aanay isku aragti ka aheyn wadada loo marayo.

Raysal wasaraha Sopmaaliya iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isku aragti aan ka aheyn qaabka loo marayo isbadalada la damacsan yahay In lagu sameeyo Hay’adaha amniga sida ilo aad uga warhaya xaaladan u sheegeen warsidahan.

Yaxye Cali Ibraahim oo hore u ahaan jirey xoghayaha Wasaarada arrimaha gudaha ee Somalia haddana ka shaqeeya xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxaa uu qayb weyn ka yahay siyaasadaha amniga uu ku shaqeynayo Xasan Cali Khayre.

Sarkaalkan oo isku beel yihiin Raysal wasaare Khayre ayaa waxaa si gaar ah uu ugu lug leeyahay maamulka ciidmada xasalinta Muqdisho gaar ahaan dhaqaalahooda isagoo noqdey ninka ugu awooda badan xafiiska Wasiirka Koowaad ee xukuumada Somalia.

Kulankii Madaxweyne Farmaajo la qaatey Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale waxaa ka soo baxay In la furo jidadka magalaada Muqdisho balse la adkeeyo dhamaan wadiiqooyinka Yar Yar ee soo gala xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka yimaada xaafada Wardhiigley, Howl-wadaag iyo Boondheere.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.