WorldRemitAds

Istanbul, Turkey, November 25, 2018 (Saxafi) – Farmaajo Iyo Erdogan ayaa kulan ay ku yeesheen caasimadda dalka Turkiga ee Istanbul waxay kaga wada-mashaariic horumarineed oo ay hore dawladda Turkigu ugu balanqaaday inay ka fulinayso dalka Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

SomlegalAds

Somalia ayaa ku dooday in lagga wada hadlay sare u qaadista xidhiidhka labada dal, xoojinta iskaashiga iyo wadajirka.

Waxaana warkaas lagu yidhi, “Labada Madaxweyne (Erdogan iyo Farmaajo) ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxeexdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoo adkeeyey muhiimadda xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Erdogan, dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa ee hore u soo maray dalka Somalia.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Rajab Dayib Erdogan ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisu ay u amba-baxeen dalka Uganda oo ay kulammo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.