WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 18, 2019 (Saxafi) ÷ Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia Maxamed Cabillaahi Farmaajo ayaa shalay magacaabay guddi gefaf badan xambaarsan uu ku tilmaamay inay tahay guddi dib u heshiiseed, isla markaana ay u xilsaaran tahay wada hadalada laba dal ee Somaliland iyo Somalia.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

SomlegalAds

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya dowladdii KMG aheyd ee Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa

Haddaba halkan hoose ka akhriso magacyada Guddiga oo ay xubno ka yihiin kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaljland iyo xubno qayb ka ahaa xasuuqii dadka Somaliland  taas oo ah gefaf kale oo uu Farmaajo ka badheedhsan yahay

1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga (Biyomaal)
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen (Reer Aw Xasan Sheekhaal) Sidoo kale waxa Sodog u ah Maxamed Siyaad Barre oo uu inantiisa qabaa.

3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) waa Hawiye, Abgaal
4- Dr Cali Siciid Fiqi, Hawiye, Habargidayr
5-S/G: Axmed Jaamac Muuse  Isaaq  Habarjeclo waana taliyihii ciidanka Bileyska markii uu dhacay xasuuqii Jasiira
6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli Daarood  dhulbahante

Guddidan ayaa shaqadooda lagu qeexay wax lagu sheegay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.
Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddida waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.
Magacaabista Guddidan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay fiinta Siyaasaddeed dhex miranayso Somaliland iyo Soomaliya, isla markaana xifaaltankoodu gaadhay meel xaasaasi ah.

Magacaabida Guddigan qaabilsan Wada hadalada Somaliland ayaa ku soo beegmaya, iyadoo uu hakad ku jiray wada hadaladii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.