WorldRemitAds

Wuxuu Garoowe Ka Sheegay Inuu Booqanayo Afar Magaalo Iyo Dareenka Ka Dhashay

Garoowe, Somalia, January 8, 2017 (Saxafi) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Garoowe ee maamul Goboleedka Puntland. Waxaana uu shaaca ka qaaday inuu uga gudbayo dhawr magaallo oo aanu magic dhabin.

Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka Garowe ku soo dhoweeyay Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Camey, Guddoomiyaha Barlamaanka maamul Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo shacabka magaalada Garoowe.

SomlegalAds

Madaxweynaha Somalia oo meel fagaare ah kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa uga mahadceliyay sida diirran ee ay isaga iyo wafdigiisa u soo dhaweeyeen.“Waxaan u imid inaan arko xaaladda halkan ka jirta, ayna ugu horreyso inaan nabadda xoojinno oo ka shaqeyno dib-u-heshiisiinta, waxaanan jeclahay inaan tago dhawr magaalo oo aan la kulmo cuqaasha, aqoonyahanka, bulshada rayidka ah iyo ardayda Jaamacadaha.” Ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Magaallooyinkan ayaa wararka qaar la xidhiidhiyeen inuu uga jeedo inuu ku soo xadgudbo gudaha Somaliland oo uu damac san yahay inuu socdaalkiisa ku darro barriga Sanaag ama magaallada Buuhoodle. Maadaama dhawaan wasiirkiisa ganacsiga ay u suurtagashay inuu socdaal ku yimaaddo bariga gobolka Sanaag ee Somaliland. Wallow xilkii uu ku waayay. Somalilandna ay aad ugu digtay ayna ka dalbaday dawalada Somalia inay joojiyaan fara-gelinta ay ku hayaan dalka Somaliland. Sidaas oo ay tahay waxaa jirra shaki laga qabo in Madaxweynaha Somalia oo isku dayo inuu buuqa kaga oogan gudaha magaallada Muqdisho iyo khilaafka isaga iyo mucaaradkiisa ka dhexeeya ee meesha addag maraya u soo raro Somaliland iyo Somala. Taas oo uu u marayo inuu booqdo qaar ka mid ah magaallooyinka Somaliland midkood.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.