WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 26, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta gelinkii dambe soo dhoweyn aad u balaadhan kala kulmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabta safar dibadda uu ugu maqnaa, kaas oo uu ku soo maray dalal uu ka mid yahay Belgium halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Farmaajo kulankaas oo dood badan dhaliyay Goleyaasha Baarlamaanka iyo Dawladda, Xisbiyada Mucaaridka iyo Muxaafidka iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland.

Maalmihii u dambeeyay ayey qaar ka mid ah Baarlamaanka Somaliland ay kulankii Faysal Cali Waraabe iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh la yeeshee Madaxweyne Farmaaho ku tilmaameen mid dambi ah, isla markaana waxay xukuumadda u soo jeediyeen in Maxkamad la horgeeyo, waxaanay arrintaasi abuurtay dood farabadan ,taas oo sababtay inay is abaabulaan Boqolaal ka mid ah taageerayaasha Xsibiga UCID oo ay soo-dhaweyn balaadhan kaga hortagaan Guddoomiyahooda, iyagoo roog cas u dhigay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa.

SomlegalAds

Faysal Cali Waraabe, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay waxa uu difaacay kulankiisii isaga iyo Prof Cali Khaliif Galaydh ay Farmaajo kula kulmeen Brussels, waxaanu sheegay inaanay dambi ahayn inuu la kulmo Farmaajo, balse uu ka shaqaynayey danta Somaliland, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi: “Anigu lama ficil tamayo Madaxweyne Muuse oo waa Madaxweynahayga. Haddii aanu ficiltano qarankani jiri maayo. Waa in aynu ka fikirnaa toddoba bilood horteed dalkeenu miyuu ka fiicnaa mise wuu ka wanaagsan yahay maanta. Waa in taas laga hadlaa, Faysal baa Farmaajo salaamay maahee, haddii Illaahay inaga qabuujiyo Xaaladda Ceel-Afweyn iyo Tukaraq, waa laysku imanayaa oo waan la xisaabtamayaa, oo dalkan waa wada leeyahay, Haddi aanu aragno in aanu jirin awooddi  dalka lagu wadi lahaa, waanu ka tashanaynaa ..,”

“Innaga (Somaliland) sharcigeena melena kagama yaalo Wallowayn yaan la salaamin  Somalilandna meel Faysal Cali Waraabe wax yeelayo maaha oo layga baqi maayo. nimanka baarlamaankana waxaan leeyahay idinkaan sharci ku joogin,” ayuu mar kale yidhi Guddoomiyaha UCID.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay kulankii ay isaga iyo Cali Khaliif Galeydb la qaateen Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in ay Farmaajo hore xidhiidh wanaagsan u lahaayeen hadana ay ku heshiiyeen in la joojiyo dagaalka Tukaraq iyo in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo dowladda federaalka, wuxuuna xusay in Farmaajo uu ka dhaartay in aanu Puntland ku taageerin dagaalka Tukaraq.

Halkan hoose ka daawo Soodhaweyntii Faysal Cali Waraabe iyo Hadalkiisii

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.