WorldRemitAds
Waxa ugu qiimaha badan ee uu aadamuhu gaadhi karaa waxa weeyaan inuu ku sugnaado farxad iyo raynreyn, waqtigiisana ku qaato kalgacal iyo wanaag, si ay u noqoto mid ku reebta xusuus qurux badan noloshiisa inta ka dhiman. halkaas oo uu kaga tagayo muragada iyo meehanawga uu la kulmo marmarka ay is yeelan waayaan wuxuu doonayey iyo wuxuu ka helay aduunkan.

Farxadda sideedaba tukaan laguma Iibiyo, qofna lagama xado, meel ala meel lagu tilmaamo ood kasoo helaysaana majirto, laakiin waxey ku xidhantahey adiga! Haa adigey kugu xidhantahey iyo hadba sidaad u wajahdo duruufaha nolosha ee kala duwan, habla dhaqanka aad la dhex joogtid umadda iyo jawaab celinta aad ka sameyso caqabadaha is daba jooga ah ee hadh iyo habeen kaa hor imanaya.
Haddaba qormadan waxaynu ku eegaynaa dhawr qoddob oo hadaad laasintid kaa caawinaya inaad farxad iyo qalbi deganaan ku joogtid wakhtigaaga badi.
Cabsida iyo Cibaadada Alle: waa furaha farxada iyo liibaanta iftiin iyo aakhiraba, haddii aad noqoto qof Alle ku xidhan,  cibaadadiisana ku dadaala, wuxuu farayna qaata wixii uu ka reebayna ka digtoonaada, waa hubaal wax kaa dhiman ba ma jirayaan, qalbigaaguna wuu xasilayaa oo miyaanad maqal Aayada Qur,aanka ah ee Alle (SWT) yidhi (Miyaaney Xuska Illahey qalbiyadu ku xasilin).
Ula dhaqan dadka si naxariis leh: dhaqanka wanaagsan ee ay ka buuxdo naxariista iyo kal gacalku wuxuu siyaadiyaa iney kordhaan hoormoonada farxadu, markaa waa muhiim inaad ku dadaasho ajarna wuu kaaga socdaa.
Asxaab wanaagsan raadso: inaad la rafiiqdid dad wanaagsan waxey keenaysaa iney adna wanaaga iyo wax tarka kula jeclaadaan, agtoodana aad ka hesho farxad iyo raynreyn is daba jooga.
Hadaf yeelo: inaad wax hiigsato ood niyada ku heyso inaad meel sare gaadho waxey muhiim u tahey noloshaada waxeyna ku gaadhsiinaysaa heer farxadeed ood mahadiso.
Ixtiraam Dadka Kale: aadamuhu waa noole bulsheed kaligii inuu nolaadaana waa midaan surtoobeyn, haddaba hadaad daneynayso farxad waa inaad ku ogolaata dadka sida ay yihiin, tix galisaa go,aamadooda sheekadooda dhageysataa, si karaamo leh ula dhaqantaa, cidii aad gacan siin kartid aanad ka hagran “Waxa jira waxyaabo qof wax u ah adigana aan dhib kugu hayn” markaa intii awoodaad ah isku day inaad caawiso.
Iska ilaali Cudurdaarka iyo eedaynta: wa inaad waji furan ku qaabishaa guul darooyinkaaga cashar inaad ka qaadatidna isku daydaa, halka aad cidkale eed ku saari laheyd iney ka danbeeyeen guul darooyinkaaga.
Hays barbar dhigin Dadka kale: qofba illahey waxbuu haybed u siiyey, ku kaa sareeyana ha eegin, ku kaa hooseeyana ha ku lumin, waxad hayso Alle ugu Mahadnaq, hana ka caajisin inaad hore uga sii marto, inaad qof kale hayntiisa iyo noloshiisa dusha ka cawaridaa maaha wax la mahadiyo, waana albaabada ugu waa weyn ee murugada laga galo.
Runta ku dhimo: wali ma isweydiisay waxaad dareento markaad been sheegto, badankeenu waxeynu dareenaa cidhiidhi iyo cabdudh nafsadeed, waxa kale ood garwaaqsanaysaa inay soo yaraaneyso ixitiraamkii ay dadku ku hayeen marba marba kasii danbeeya, kalsoonida ay kugu qabaana hoos bey u dhaceysa,  sidaa darteed waa inaad ku dadaasha run sheega.
Saamax: soomalidu waati hadelba kusoo koobtey “Carrab iyo labadiisa Daanbaa is qaniina” dadku intaa wey is khilaafayaan, danbi aanad jeclaysan baa laga galayaa, beenba lagaa sheegayaa, dadka nolosha ku guuleystaa waxey aad ugu dadaalaan isa-saamaxa iyo laab xaadhnaanta “Haku waayin Ruux goba eray aanu kaa gayin”.
Maamul Noloshaada: adiga ayey tahey inaad goyso sidaad u noolaaneyso maaha in ay cidkale kuu tilmaamto wadooyinka aad mareysid iyo talaabooyinka aad qaadeysid, waa inaad si buuxda gacanta ugu haysaa nolshaada.
Ha noqon iimaan Lacag: lacagtu waa waxa nolosha kuu suurto galinaya, la,aanteed hawlo badani inaaney kuu suuro galin baa laga yaaba, laakiin maaha iney ku hantido ood iyada uun ku imaan la,aato, waa inaad sadaqo kala baxdaa, si wanaagsana u maamulataa wixii aad haysato.
Qalinkii Hibo Ciise (Basbaaso)

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.