WorldRemitAds

Wajaale, Somaliland, August 26, 2017 (Saxafi) – Sadexdii cisho ee u dambeeyey waxa magaaladda Hargeysa laga dareemayey qaad yaraan, isla markaana gaadiidkii qaadka siday ayaa si dhuumaalaysi ah wadooyin raf ah u soo mariy si aan magaalooyinka qaad looga waayin.

Marka jaadku yaraado magaaladda Hargeysa iyo magaalooyinka waaweyn waxa laga dareemaa buuq iyo dad badan oo aan markii hore la arki jirin, waxaana Kollayadda jaadka lagu iibiyo lagu arkayey dad is daba waydaaranayey oo rajaynayey inuu mar uun soo galayo jaadku, halka dadka qaar isku dayeen inay magaaladda Wajaale ee xuduudda u doontaan sidii ay u heli lahaayeen uun Jaad.

Marka aad magaaladda ka baxdid jidka iyo kaantooladda waxaad ku arkaysay gaadiid isdaba socda oo hal dhinac u socda waa dhinaca galbeed gaar ahaan dhinaca Wajaale, waxaanay askarta kaantarooladu noo sheegeen in gaadiid faro badan ku sii socdeen magaaladda Wajaale si ay Qaad uga soo helaan, waxaana dadka qaar masaafo aad u durugsan u socdaalayeen sidii ay Qaad usoo heli lahaayeen.

SomlegalAds

Magaalladda Wajaale markii aan xog waraystay dadka waxay ii sheegeen sababta u jaadka u istaagay inay tahay qoomiyadda Oromada oo mudaharaadaysay, kuwaas oo kala xidhay jidadkii beeraha jaadka iyo magaalooyinka u kala gooshayey.

Wararka aan halkaasi ka helayey waxay sheegeen in Oromaddu dadka jaadka ka ganacsatadda ku soo wargaliyey in muddo shan cisho ah oo kaliya ay iska samraan oo jaadka ka maarmaan maadaama ay ganacsigoodda oo dhan xidheen, si shanta cisho ay mudaharaadyo balaadhan u dhigaan, isla markaana dakhligii Itoobiya soo gali jiray isku dhimo waa sida ugu fudud ee ay Itoobiya iskaga muujin karaane, haseyeeshee Soomaalidda lagu soo wargaliyey dheg jalaq uma siin ee waxay isku dayeen inay gaadiidkooda ku soo guraan jaadka oo mudaharaadyada xoog ku soo jiidhaan taasina waxay khatar galisay darawaladda qaarkood oo waxleeyo ka soo gaadhay.

“Jaadkii ma jiro oo Oromadii baa mudaharaadaysa oo Itoobiya diidan, waxaana ay Soomaalida ku soo wargaliyeen in muddo shan cisho ah aanu jaadku iman doonin oo ay iska raali noqdaan mudadaasi gaaban ee mudaharaadyaddu ka socdaan dhulka Oromadda, sidaas darteed shanta cisho u dulqaataan maadaama oo mudaharaadyo ku jiraan”sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka jaadka Iibiyo oo iska dhex fadhiyey goobtii uu jaadka ku iibin lahaa oo aanay waxba oolin.

Sidoo kale, waxaan la kulanay gaadhi kuwo Jaadka qaada ah oo markii darawalkii wadi jiray ka baqday in hadii uu jaadka doono la waxyeeleeyo loo dhiibay dirawal kale oo markaa la bidiyey inuu yahay nin geesi ah oo ma naxaan ah oo aan cidi hor joogsan Karin, waxaana dirawalkaasi loo dhiibay xoog ku soo jiidhay mudaharaadyadii Oromadda hase yeeshee dhagaxaan lala dhacay ayaa sababay in madaxa nabaro kaga dhacaan,isla markaana Baabuurkii muraayaddii laga jab-jabiyo.

“Shirkadda Gaafanne ee jaadka keenta ayaa dirawalkeeda ay ku dhaaadato  oo Xayle la yidhaahdo ayaa gaadhi weyn loo dhiibay si uu u qaado, waxaana ka maagay dadkii jaadka soo qaadi jiray ee Kala baydh keeni jiray, ka dib markii uu gaadhigii jaadkii doonay ee isku dayey inuu xoog ku soo jiidho mudahaaraadyadii jidka kala xidhay ayey dadkiii jidka kala xidhay la dhaceen dhagaxaan faro badan iyo wixii ay markaa awoodi karayeen, imika waakan gaadhigii oo la jajabiyey, isagiina dhakhtarka la dhigay oo madaxa ayuu nabar ka soo gaadhay”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka jaadka ka shaqaysta oo dhacdadan gaadhiga lagu jajabiyey iga waramayey.

Dhinac kale, Inta badan dadka mudaharaadyadda abaabula oo ku sugan waddamada dibada ayaa xalay shaaciyay inay gaadheen ujeedadii ay lahaayeen ee is muujinta ahayd, sidaas darteedna ay saddex cisho ku soo gaabiyeen mudaharaadkii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.