WorldRemitAds

Gaalkacayo, Somalia, July 28, 2018 (Saxafi) – Magaalada Gaalkacayo xarunta gobolka Mudug ee Somalia ayaa waxaa lagu diley xalay sarkaal ka tirsanaa ciidmada Booliska maamul goboleedka Puntland ee Somalia.

Col. Cabdirashid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) ayaa sida wararku sheegayaan waxaa toogtey dabley dishay markii la tukadey Salaadii cishaha ka dib xalay fiidkii.

SomlegalAds

Gabi Gabi ayaa mar madax ka noqdey ciidamada Birmadka gobolka Mudug intii Madaxweyne Gaas xilka Puntland hayey.

Lama oga cidda dilkan gaysatey balse kooxda Al-Shabaab ayaa degaanada Puntland ka ugaadhsata saraakiisha amniga.

Magaalada Galkacayo ayaa xiliyadii ugu dambeeyey waxaa soo hagaagayey amnigeeda guud in kastoo kooxaha argagixisada ah dilal gaadmo ah u gaystaan saraakiisha amniga iyo dadka kale ee waxgaradka ah.

Amniga Puntland ayaa tan iyo intii dowlada Gaas xilka qabatey ka soo darayey iyadoo hay’adaha amniga Cabasho dhinaca mushaharka ah muujiyaan mar kasta. Waxaana aan jirin sidda la sheego ciidanno dawladeed, iyaddoo maleeshiyaadka ka mushahar qaataa u dhisan yihiin hanaan beelleed oo beel waliba marka ay doonto sida ay doonto ka yeelli karto ciidanka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.