WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, July 02, 2018 (Saxafi) – Ka dib markii warbaahintu baahisey June 29,2018 warar sheegaya in Madaxweyne Cabdiweli Gaas cabsi ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar kaga soo biirey maleeshiyaad lagu ururiyay Tukaraq ayaa waxaa jawaab ka bixiyey Guddoomiyaha gobolkaas Cabdullaahi Maxamad Barre (Caato) isagoo sheegey in maqaalkaas xogta uu xambaarsanaa aanay waxba ka jirin.

Akhri Warkan: Cabdiweli Gaas Oo Walaac Ka Muujiyay Ciidan Beeleed Lagu Soo Daabulay Aaga Tukaraq Iyo Nuxurka Kulan Uu Qabtay Khamiistii

Guddoomiye Caato oo ku hadlayey afka Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in wesbite-yada ka howlgala carigani ka waantoobaan waxyaabaha ay qorayaan isagoo xusey inuu akhriyey maqaal uu qorey warsidaha Garowe Online kaas oo aanu daabacin qof waxbadan ka yaqaana sharciga saxaafadda iyo arimaha amniga.

SomlegalAds

“Wargeysyada ka howlgala gudaha Puntland gaar ahaan Website-yada qaar ka mid ah waxaan ku wargalinayaa iney ka waantoobaan waxyaabaha ay qorayaan, waxaan akhriyey maqaal uu qorey website sida aan ku arkey magaciisa la yidhaahdo Garowe Online, maqaalkaas ma qorin qof waxbadan ka yaqaan sharciga saxaafada iyo arimaha amniga.” sidaas waxaa yidhi Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo si ku adag qoralkaan uga akhriyayey warqad.

Caato ayaa ku xusey qoraal uu saxaafada u akhriyey in maqaalka Garowe Online lagu xusey labo qodob ka hadlayey; in Madaxweyne Gaas cagajiid iyo cabsi weyn ka muujiyey ciidamadii gobolka Karkaar kaga soo biirey difaaca Jiida hore ee Tukaraq iyo in Gaas aanu rabin in colaada Sool dhinac u dhacdo tan iyo inta qorshihiisa xil kororsiga dhaceyso.

“Ciidanka ka yimid gobolka Karkaar waa cutubyo kamid ah guutada 48aad waxayna kamid ahaayeen ciidamada Madaxweynihu amrey iney jiida hore ee difaaca ka howlgalaan, gudoomiye ahaana aniga ayuu ugu soo amrey in aan jiida hore ciidankaas geeyo, waana geeyey, qodobka Labaad Madaxweyne Gaas hadii aanu daacad ka aheyn xoreynta gobolka Sool ma diyaariyeen ciidamada kor u dhaafey Tobanka kun mana galeen kharashka dhamaan saameeyey dhaqaalaha Puntland.” ayuu Caato sheegey isagoo aan ka jawaabin qodobka muddo kororsiga oo maqaaalkaan lagu xusey.

Cabdullahi Maxamad Barre ayaa ku xusey war-saxaafadeedkiisa in Madaxweynaha Puntland uu xaal ka siinayo canaasiirta sidaas u fakareysa dankasta ay leeyihiin isagoo ku wargaliyey shacabka in Mudane Gaas ka go’an tahay sidii xasiloonni loogu soo celin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiye-yaasha gobolada oo lagu magacaabo wareegto ayaa waxay yihiin wakiilka Madaxweynaha ee gobolkaas iyadoo sida warsaxafadeedka ka muuqatey Cabdullahi Caato lagu amrey inuu jawaab ka bixiyo warka la daabacey.

Warsidaha Garowe Online ayaa xogta uu baahiyey kadib markii warar lagu kasoon yahay u sheegeen in Madaxweyne Gaas si furan arinkan uga hadlay kulanka Khamiis-laha ah ee golaha xukuumadda Puntland isugu yimaadeen asbuucii lasoo dhaafey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.