WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 12, 2018 (Saxafi) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadhaya kiis dil ah oo shalay Xaafadda 150-ka ee jihadda waqooyiga ee Magaaladda Hargeysa gabadh doonanayd oo diyaar-garow ugu jirtay aqal-galkeedii.

29177080_983632601784833_6768540412022895932_n
Muuqaalka Furaash uu ka muuqdo dhiiggii ka daatay gabadha la dilay Alle ha u naxariistee Marxuumad Xaliimo

Wararka aanu helay waxaa ay sheegayaan in dilkan lagu eedeeyay oo loo qabtay Wiil ay ehel yihiin. “Waxaan waxyar ka hor maqlay qaylo ka yeedhaysa xaafada iga soo horjeeda, waan baxay si aan u soo ogaado waxa dhacay.Gudaha ayaan guriga u galay, Waxaanan la kulmay Xaliimo oo ahayd inan maalin walba aanu is arragno mudo dheerna aanu jaar ahayn oo Gawracan” sidaas waxaa shabakadda xidhiidhka Bulshada ee Facebook ku baahisay Hibo Cali Xaaji Raabi (Hibo Ali Haji Rabi). Waxaana ay intaas ku dartay “Xaliimo waxa ay ahayd aroosad lagu hawlanaa xeedhooyinkeeda shalayna waxay soo eegatay qalabkii guriga (furniture).” ayay tidhi Hibo Oo dhacdadan ka mid ahayd dad badan oo arrintan ka diray tacsi, iyaggoo marxuummadda Ilaahay uga baryay inuu janaddii Fardowsa ka waraabiyo ehelkii iyo asxaabtiina samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale, Axlam Cumar (Ahlam Omar) ayaa iyana tidhi“Caawa Xaafadihii way argagaxsan yihiin, ALLE ha hoojiyo, wuu fakadayna dhiigya cabku”

Xogaha aanu helay qaarkood waxaa ay sheegayaan in ciidamadda Amaanku ku guulaysteen inay qabtaan eedaysanahan oo ay gabadha la weriyay inay Ilma Abti yihiin. Laakiin, warkaas danbe ee qabashadda ciidamadda Bolisku ma ay cadaynin ee warar dadka la jaarka ahi isla dhexmarayeen xalay ayay ka mid tahay. Wax faah-faahin ah lagama bixin dilkani sida uu u dhacay iyo sababta midna.

SomlegalAds

Sida xogahani tibaaxeen gabadh ayaa u mehersanayd isla markaana ay u qorshaysnayd inuu la aqal-galo wiil kale oo ay isaga laftiisa ay Inaabti yihiin oo Marxuumadda Abtigeeda dhalay, kaas oo dalka dibadiisa ku maqnaa lana filayey inuu dhawaan dalka yimaado si uu u aroosto gabadha u mehersanayd, balse nasiib-darro falkan foosha xun ayaa bedelay qorshe kastoo meesha yaalay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.