WorldRemitAds

London, UK, May, 19, 2019 (Saxafi) – Gabadh Soomaali ah ama Feedhyahannad ka soo jeeda dhalasho ahaan Soomaali ayaa qarka u saaran inay sameyso taariikh wayn, iyadoo la filayo inay u soo gudubto tartanka feedhka ee ka dhacaya sannadka 2020ka magaalada Tokyo ee dalka Japan, taas haddii ay dhacdo waxay baal dahab ah ka gelin doontaa taariikhda Feedhka adduunka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Gabadha qarka u saaran taariikhdan inay gaadho waxaa lagu magacaaba Ramla Cali waxaa tababbar ay isku diyaarinayso ku sameynaysaa Ingiriiska oo ay qoyskeeda tageen markii ay ka qaxeen Soomaaliya sannadkii 1991-dii,halkaas oo ay ku kortay waxna ku baratay.

Gabadh Soomaali Ah Oo Tartanka Feedhka Caalamka Meel Fiican Ka Maraysa
Ramla Cali, Feedhyahanad Soomaali ah

Muddada ay dugsiga dhiganeysay waxay ahayd qof buuran, balse feedhka oo ay u aragtay in ay culeyska isaga dhimi karto ayay haatan ku yeelan kartaa magac weyn.

Sidoo kale Ramla Cali waxay shaacisay rajada ay ka leedahay tartanka Olympic Games ee Tokyo 2020 inay tahay mid aad u wanaagsan.

Ramla Cali ayaa haddii ay u soo baxdo tartanka Olympic Games ee Tokyo 2020 waxay noqon doontaa qofkii u horreeyay ee jiilkeeda ah ee tartankan oo kale ka qayb gasha, taas oo jirta ayaa marka dib loo eego Soomaalida kaliya laba jeer ayay ka qaybgashay tartamada noocaasi ah oo lagu qabtay magaalada Rio ee dalka Brazil.

Gabadh Soomaali Ah Oo Tartanka Feedhka Caalamka Meel Fiican Ka Maraysa
Ramla Cali, Feedhyahanad Soomaali ah

Gabadhan hadda doonaysa inay kor u qaado sumcadeeda ee Ramla Cali ayaa la weriyay inay hore isaga diidday in ay metesho dalka ay ku kortay ee Britain, waxaana ay doorbiday inay caalamka ku metesho Soomaaliya.

Feedhyahanaddan Ramla Cali ayaa filim dhokumenteri ah oo dhawaan laga sameeyay waxaa lagu soo bandhigay inay muddadii ay tababarka feedhka ku jirtay ay qoyskeeda ka qarin jirtay, gaar ahaan hooyadeed iyadoo ka cabsi qabta in dhaqanka Soomaalida oo aan looga baran Gabadh Soomaali ah oo tartamada ciyaaraha feedhka iyo dagaalka inay ka qayb-qaataan. Balse ay ku guulaysatay inay deyrkaas jebiso oo ay noqoto mid ka mid ah haweenka feedhka adduunka ee la saadaalinayo inay heer sare ka gaadho tartamadan noocan ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.