WorldRemitAds

Laba gabdhood oo u dhashay dalka Suuriya, ayaa khibradooda dabaashu ka badbaadisay geeri, waxaanay labadan gabdhood oo walaalo ahi ay u kala dabaasheen Giriiga ilaa dalka Jarmalka, ka dib markii dooni kuwa tayuubka ah ee la buufiyo oo ay la socdeen la qarantay iyagoo aan kaba fogaan xeebaha dalka Giriiga oo ay ka tahriibayeen.

Labadan gashaantimood oo lagu kala magacaabo, Sara iyo Yusra ayaa markii ay xaaladu ku cadaatay, bilaabay dabaal, waxaaay sadex saacadood ka dib ku guulaysteen inay dalka Jarmalka gaadhaan, labadan gabdhood ayaa ka mid ahaan jiray, dabaal yahanada ugu xariifsan ee dalka Suuriya, waxaanay warbaahinta u sheegeen in markii doonidii dabaylaha kala raacday ay dantu baday inay dabaashaan, waxaanay labaatan qof oo ay ku wada saarnaayeen ka soo bad baaday labadooda iyo afar qof oo iyaguna dabaasha garaayay.

gabdho Reer Suuriya ahLabadan gabdhood ayaa dawlada Jarmalku si wayn u qaabishay, waxaana markii la ogaaday u sii diyaar garoobay, ciyaar yahaada dalka Jarmalka gaar ahaan, kuwa dabaasha iyo ciyaaraha fudud ee dalkaas, kuwaas oo dejiyay xarunta ciyaaraha Olympic-ga.

SomlegalAds

Mar ay warbaahinta la hadleen dhawaan ayay sheegeen in xaalad halaag ah ay ahayd, laakiin tababaradii la siin jiray ee dabaashu ay u suura geliyeen inay badbaadiyaan naftooda iyo dadkii kale ee la soo nabad galay oo afar qof tiradoodu ahayd, kuwaas oo iyagoo bad qaba ay soo wada gaadheen xeebaha dalka Jarmalka halkaas oo laga sii badbaadiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.