WorldRemitAds
Gabiley, Somaliland, March 08, 2016 (Saxafi) – Roobab ka mid ah roobabkii raxmaadka Guga ayaa shalay si fiican uga curtey Magaalada Gabiley iyo Galbeedka Hargeysa laga soo gaadhayo Abaarso ilaa Huluuq,.

Roobabkan oo ahaa biyo dhig si fiican u da’ey wakhti badan waxa uu soo rogay Dooxa Huluuqeede oo ka tirsan Degmada Arabsiyo.
Gudaha Magaalada Gabiley oo curashada guga si fiican loogu qabowsadey ayaa waxaa sidoo kale ka da ay shalay roob socday qiyaastii saacad wax yar dhiman, roobkaas oo ahaa biyo dhig culus lahaa, wallow laga dareemayay cabitaanka culus ee Biyo dhiga roobka uu u liqayay Dhulka omaskii badnaa ee jiilaalka daba dheeraadey awgii. Waxaanu Roobku dhinaca Gabiley duudkeeda sare ku joogaa sida lagu waramay nawaaxiga Xidhinta ilaa Agagaarka Tog-Wajaale ama deegaan ku siman Mashruuca meesha loo yaqaan.
Dadweynaha ku nool Deegaanada Gobolka Gabiley ayaa, si weyn ugu farxey iyagoo ilaahay uga mahad celiyay roobabkan oo si weyn loogu baahnaa. Iyaddoo lagu jiray waqti qaylo-dhaanta abaaro culus oo gobolkan ku habsaday is gaadhay dunida oo dhan, islamarkaana cabashaddii dadweynahaas aan ilaa hadda laga wadda jawaabin awood koobnaanta aadamaha guud ahaan iyo dawlada Somaliland gaar ahaan darteed.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.