WorldRemitAds

Ganacsade u dhashay dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya ayaa iibsaday oo qiimaha ugu sareeya ee gaadhi lagu iibsado ka siistay wiil yar oo dalkaas u dhashay oo arday ah, kaas oo dhawaan gacantiisa ku sameeyay gaadhi noociisu ku cusub yahay dalkaas, aadna loogu bogaadiyay dedaalkiisa.

Sida ay ku warameen warbaahinta dalkaas iyo kuwo kale oo caalami ah, ganacsadaha lagu magacaabo, Turki Suhayli, oo ka mid ah xubin sharafeedyada Naadiga Ansaar ee magaalada Madiina Al Mina Wara ayaa qiimihii ugu sareeyay ee lagu iibsado gaadhi ka siistay baabuur yar oo uu sameeyay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo, Naasir Cubayd Al Suhali, kaas oo wax ka barta kuliyada tignoolajiga ee dalkaas.

Ganacsadahan ayaa wiilkaas yar u balan qaaday inuu lacag kale oo maal galin ah siin doono, isla markaana ku garab istaagi doono dedaalkiisa, sida ay ku warantay jariirada Al Shuruuq ee ka soo baxda dalka Sucuudi Arabiya.

SomlegalAds

Ganacsadahan ayaa sheegay si dedaalka wiilkaas yari u gaadho meel fog uu gaadhigan ku caawin doono, Amiirka Degaanka Madiina Mina Wara Xukuma, kaas oo lagu magaacabo, Amiir Cabdi Casiis Bin Maajid, waxaanay tani noqonaysaa ayuu yidhi mid muujisa dedaalka iyo guulaha muddooyinkii u danbeeyay ay ku talaabsadeen dadka degaanku.

Ganacsadahan ayaa ku baaqay in dedaalkaa wiilkaas la gaadhsiiyo meel fog, taas o uu ku doodayo in ay guul iyo horumar la taaban karo u soo kordhinayso dalkaas iyo dadka ku dhaqan.

Gaadhiga Ardayga Sucuudiga ahi IkhtiraacayWiilkan yar ee sameeyay gaadhigan ayaa la sheegay inuu yahay mid da’diisu aad u yar tahay laakiin ah mid jecel ikhtiraaca iyo wax samaynta, waxa uu wiilkan yari aad ugu dedaalayay sidii uu uga dhabbayn lahaa cilmiga iyo waxyaabaha ay cashar ahaan ugu qaataan kuliyada uu dhigto.

Sida warbaahintu sheegtayna waxa uu gaadhigan sameeyay muddo lix bilood laga joogo laakiin waxa sida muuqata ku dhacay niyad jab uu ka qaaday dhaqaalo darnaanta soo waajahday, taas oo yabooha iyo lacagtan cadaanka ah ee ganacsadahani siiyay la filayo inay ka badasho wax badan niyad jabkii iyo culayskii haleelay wiilkaas yar ee dhalinyarada ah oo noqonaya kii ugu horeeyay ee gaadhi uu gacantiisa ku sameeyo u hindisa dalka Sucuudi Arabiya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.