WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 16, 2012, (Saxafi) – Haween danyarta ah ee Caanaaha ku iibin-jiray Gidaarka Cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaa waxaa sahayday hawl-gal ay dawladda hoose ee Hargeysa suuqa kaga sifeysay dadkii wadhatadda ahaa.

 Haweenkan oo Dawladii hore ee Daahir Rayaale dayr kaga xeertay barxad weyn oo ka horeysa Cusbitaalka guud ee caasimadda oo ay ku ganacsan-jireen qayb ka mid ah ayaa mudooyinkii danbe, waxay hanaan dhib badan wax ugu iibin jireen giddaarkii lagaga xidhay goobtooddii hore, in kasta oo ay ahaayeen dad fadhiya Jid baabuur badani isku dhaafayso halisna ugu jira ka sokow cidhiidhiga ay ku hayaan waddada baabuurta, haddana, waxaa ay ku doodayeen in duruufuhu ku qasbeen oo ay u baahanaayeen in meel loo waabo. “Barigii hore Kulmiye wuu noo imman jiray waxay na odhan jireen ma cidladaas ayay idiin sheegteen oo ay damceen inay iibiyaan, haddaad na doorataan anagaa idiinka dhisi doona Hangaro oo Laba Hangar Jiingad idiin saari doona..waanu dooranay oo u dagaalanay, laakiin waxay noo dhisaan iska daaye iyana gidaarkii ayay xattaa naga soo erayeen oo waanagaa Gurrigii Daahir Rayaale oo aanu ka eexanay maanta dani na hor keentay” Sidaas waxaa tidhi mid ka mid ah haweenka caanaha ku iibiya agagaarka ishaaradda madaxtooyadda oo si weyn uga cabatay dhibaato baryahanba soo noqnoqonaysay oo haysata wadhatadda guud ahaan suuqa Hargeysa wax ku iibisa. “Madaxweyne Siilaanyo laba Boqol oo talaabo ayuu noo jiraa, Golihii baarlamaankuna waanagan giddaarkiisii joogna. cid wax noo qabatayna ma jirto’e, kii hore dayr ayuu nagaga xidhay goobtii aanu daganayn. Kii kallena waakan giddaarkii naga eryay..markaa waxaan leeyahay dadka cabanaya ninowna Siyaasi ha u caban hana miciinsan.” Ayay tidhi hooyo kale oo ka mid ahayd Dumarkaasi.

SomlegalAds

Haweenkan ayaa mid waliba marka loo sii kuurgallo waxaa ay kuu sheegayaan duruufo gaar ah oo keenaya in aanay maalin kalli ah ka nasan Caanaha ay cabasidda ciidanka dawladda hoose ku iibiyaan ku khasabtay sidda ay qabaan dadweynaha kale. “Waa looga garaabayaa dhamaantood dhibaatooyinka dadkan danyarta ah suuqa keenay, waxana baahanyahay in Xukuumaddu haweenkan dagal-fadhiga ku ah duleedka guryaha labada madaxweyne iyo guud ahaan ganacsatadda suuqyadda Hargeysa ee ay barakiciyeen dawladda hoose iyo guddiga caasimaddu in laga war-doono oo Xukuumaddu natiijadda hawl-galkii lagu raray ka dhalatay ogaato.”Sidaasna waxaa yidhi mid ka mid ah dadweynaha Caasimadda Hargeysa oo la kulmay markii wariyayaasha Saxafi haweenkan Waraysiyadda ka qaadayeen.

 Xukuumadda iyo dawladda hoose ayaan iyagu illaa hadda tilmaamin goobo rasmi ah oo ay dadkan laga raray suuqyadda ugu talagaleen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.