WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 1, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdriraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay shirweyne lagu gorfanayo  sidii loo horumarin lahaa, loona hirgelin lahaa ganacsi ay wada leeyihiin xukuumadda iyo shacabku,  kaas oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa shalay.

Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd sidii  loo hirgelin lahaa, loogana midho-dhalin lahaa ganacsiyada ay wada abuuraan xukuumadda iyo shacabku, ayaa waxa  soo qaban-qaabisay wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, waxana ka qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha, ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi, Gaashaandhigga, Ciise Yuusuf Axmed, Horumarinta Maalgashiga,  Axmed Maxamed Cawad, Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago-weyne, guddoomiyaha Baanka dhexe, Cali Ibraahim Baqdaadi, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Maxamed Shukri,  xubno ka socday Baanka Adduunka (World Bank), madax ka socota hay’adaha caalamka, ganacsato iyo marti-sharaf kale, waxana madasha si faah-faahsan loogu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka ka bannaan iyo sida  ay muhiimka u tahay inay ganacsatada gaarka ah iyo dawladdu hirgeliyaan ganacsiyo faa’iido badan keena oo wax ka tara shaqo la’aanta, isla markaana ka qayb-qaadan kara horumarka dhinaca ganacsiga iyo hal-abuurnimada hibooyin wax soo saar oo bulshada loo horseedo.

SomlegalAds

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ugu horrayn madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inay ganacsatada iyo xukuumaddu  diyaariyaan ganacsi  horumarka bulshada qayb weyn ka qaata oo dalka lagu maal-geliyo, waxana uu yidhi, “Maanta halkan waxa isugu yimi laba qolo oo xuquuq iyo xaqba isku leh, waana dawladdii iyo dadkii wax soo saarayey ee dalka wax usoo saarayey, shirkanina waa mid wasaaradda ganacsiga oo kaashanaysa Baanka Adduunku ay soo diyaarisay, ganacsataduna dawladda xaq bay ku leeyihiin, dawladduna xaq bay leedahay, iyadana xaq baa lagu leeyahay. Dawladdu waa inay abuurtaa qawaaniin lagu kala baxo, jawi nadiif ah oo lagu shaqayn karo, waa inay amniga ilaaliso oo soo saarto jiil tacliin leh oo ay caafimaadka daryeesho, dawladduna baayac-mushtar ma aha oo lacagta meel kale kama keentee idinka ayey idinka keentaa.”

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo shirka ka jeediyey hadallo salka ku haya sidii loo hormarin lahaa ganacsiga ay wada yagleenaa dawladda iyo shacabku, ayaa sheegay inay mudan tahay sidii kulanka loogu kala faa’iidaysan lahaa, isla markaana looga soo saari lahaa maxsuul manfaciisa loo aayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxa farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb-galo madashan ay ku tashanaan dawladdii iyo ganacsigii gaarka loo lahaa oo ah laba aan kala maarmin, runtiina waa mid mar walba loo baahnaa, muhiimadduna  in haddii la isu yimi in aad loo kala faa’iidaysto oo arrintaasi noqoto aqoon is-weydaarsi wax weyni kasoo baxo oo aynu hore ugu dhaqaajinno ganacsigeena iyo maal-gashiga dalku u baahan yahay, waana in labada dhinac is fahmaan oo ganacsatadii iyo dawladdu is fahmaan oo qolo qaliba doorkooda fahanto.”

Madaxweyne-ku-xigeenku isaga oo hadalkiisa, waxa uu hoosta ka xarriiqay inay aqoontu fure u tahay horumar kasta oo uu ganacsigu gaadho, isaga oo shaaciyey inay xukuumad ahaan xil weyn iska saari doonaan sidii ay usoo saari lahaayeen shuruuc iyo qawaaniin ganacsiga xukuumadda iyo shacabka ka dhexeeya la xidhiidha, “Aqoonta ayey wax waliba ku fadhiyaan, inaguna waxa aynu u baahan nahay inaynu aqoontii iyo ganacsigii meel isugu geyno, maantana dad badan baa jaamacadaha kasoo baxaye, waa inay ganacsatadu tababaraan oo shaqo geliyaan si  ay ganacsigooda hore ugu mariyaan, annaguna xukuumad ahaan waxa aanu diyaar u nahay inaanu shuruucda diyaarinno ama xoojinno oo sidii shacabku dhexdooda wax u wada yeelan lahaayeen, ama shacabka iyo xukuumaddu wax u wada yeelan lahaayeen aanu diyaarinno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.