WorldRemitAds

Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa walaac wayn ka muujisay, gantaalo Ruushku tijaabadiisa ku guulaystay, kaas oo awood u leh in dhulka inta laga gano, uu si fudud u bur burin karo, dayax gacmeedyada ku sugan hawada sare, gaar ahaan orbit-ka ka baxsan gibilka sare ee oogada dhulka.

Gantaalahan oo sida Maraykanku sheegay noocoodu ku abtirsado sawaariikhda Lidka gantaalaha ee A-235 Nodol, ayaa awoodoodu tahay mid aan caqli gal ahayn oo inta moodayo aad uga awood badan, waxaanay ilbidhiqsiyo gudahood ku soo ridi karaan dayax gacmeedyada hawada dunida ka baxsan, sida Pentagon-ku cadeeyay.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Sida wakaaladaha wararka Maraykanku ku warameen, Ruushka ayaa ka guuray, gantaalihiisii hore ee A-135 Amur, kuwaas oo ahaa difaaca caasimadda Ruushka ee sawaariikhda iyo gantaalaha Plastic-ga ah, kuwaas oo awood ahaan difaac uun ku koobnaa, laakiin imika uu badalay oo ka dhigay kuwo lid ku ah dayax gacmeedyada Maraykanka iyo cid kastaa leedahay ee hawada sare iyo meerayaasha ku maqan.

Sida uu cadeeayay Taliyaha Maraykanka u qaabilsan hawada sare iyo duulimaadyada cirka, oo lagu magacaabo, Gen. John Haitn, Ruushku waxa uu galay xaalad dagaal oo aanay dunidu kala war qabin, taas oo muujinaysa cadaawad halis ah oo soo fool leh.

Taliyahan ayaa sheegay in haddii awal laga walaacsanaa gantaalaha S–400, ee Ruushku u samaystay difaaca cirka, laguna tiriyo kuwa dunida ugu halista badan dhinaca difaaca cirka, ay taasi soo dhaaftay xaaladu oo halkii awal loo baqayay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo NATO imika loo baqanayo dayax gacmeedyada hawada dhulka ka baxsan ee cirka sare mushaaxaya” ayuu yidhi taliyahan reer Maraykan.

Taliyahan Maraykanka ah iyo khubaro badan oo reer Galbeed ah ayaa ka digay halis balaadhan oo ka soo fool leh Ruushka, oo ay tilmaameen, inuu siyaasadiisi difaaca ahayd ee awal ka soo gudbay, oo imika uu ku hawlan yahay, tababulshaha nidaam weerar oo noqon kara kan dundia ugu halista badan, ee meesha ugu saraysa ilaa halka ugu hoosaysa si u wada saamaynaya.

Ruushka ayaan wax jawaab ah ka bixin, waxaanu Maraykanku si buuxda u baahiyay, muuqaalo muujinaya Ruushka oo gantaalihiisan cusub ee dayax gacmeedyada soo ridaya tijaabinaya, xili ku beegan todobaadkii ugu danbeeyay bishii November ee aynu ka soo gudubnay.

Awoodsan degdeg ah ee Ruushku ku talaabsaday, ayaa caqabad wayn ku noqon doonta reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, oo waxa ay halis gelin doontaa dayax gacmeedyadoodi basaasida iyo arrimaha baadhitaanada meerayaasha ka hawl gala, kuwaas oo haddii Ruushku dhibsado uu si fudud u soo ridi karo, si dhibyarna uu gacan ku haynta hawada sare ula wareegi doono.

Taas oo Maraykanka gelin doonta loolan wayn oo la mid ah kii sanadihii Lixdamaadkii qarnigii hore dhex maray Midowgii Sofiyeeti oo kaga hor maray, ganitaanka dayax gacmeedyada iyo tagista hawada sare gaar ahaan dayaxa, dagaalkaas oo Maraykanku toban sanadood oo naf iyo maalba uu u huray, ka dib gaadhay talaabooyinkii Midowga Sofiyeeti ku talaabsaday.

Gantaalo la tijaabiyay. Gantaalo Ruushku tijaabiyey

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.