WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 6, 2015 (Saxafi) – Boqolaal ka mid ah garabka haweenka ee KULMIYE ayaa kullan ay shalay isugu yimaadeen ka soo jeediyay baaq ay ku dalbadeen in guddi dhex-dhexaad ah loo saaro khilaafka Xisbigaas. 

Haweenkan oo ahaa taageerayaasha is bahaysiga Murashaxiinta xisbiga KULMIYE ayaa waxaa ay shirkoodan oo ka dhacay Hargeysa ka soo jeediyeen in loo baahan yahay tartan xor iyo xalaal ah. Waxaana ay qoraal ay halkaas ka akhriday Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil ay ku tidhi. “Hadaanu nahay garabka haweenka ee isbahaysiga musharixinta xisbiga KULMIYE, waxaanu leenahay marka koowaad Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waa madaxweynahayagii, waa madaxweynihii Qaranka, waa mujaahidkii aanu dooranay, Ixtiraam iyo sharaf ayaanu naga mudan yahay, Xisbigana annagu ma duminayno, wax qaranka wax u dhimayana ma sameynayno, anagga ayaa cid walba uga lexjeclo Badan.

Waxaanuse la hadlaynaa dadka madaxweynaha sharafta ka qaadaya ee hadba murashaxiinta KULMIYE mid garabka taabanaya ee raga isku dilaya. Waxaananu ku talinaynaa si Xeegana xeego u noqoto, Ilkana ay u nabadgalaan, shirka dib ha loo dhigo muddo Lix bilood ah, guddi labada garab ka madax banaana haloo saaro. Haddiise la yidhaa la isku joojin maayo, annaguna waanu tashan wixii halkaas ka dhashana waxa ka masuul ah guddoonka KULMIYE iyo inta ku taageeraysa. ”

SomlegalAds

Sidoo kale, waxaa iyaduna ka hadashay goobta, Xaliimo Moge Cali oo tilmaantay in is bahaysiga murashaxiinta KULMIYE ay xaq u leeyihiin inay si xor iyo xalaal ah oo aan madmadow lahayn xisbiga guddihiisa uga tartamaan. Waxana hadalladeeda ka mid ahaa “Ujeedada isu imaatinkayagu waxaa uu yahay oo aanu doonaynaa in aanu muujino islamarkaana taageeradda aanu u hayno isbahaysiga murashaxiinta xisbiga KULMIYE ee aanu ku doonayno in ay si xor iyo xalaal ah u tartamaan. Maadaama ay haystaan codka golaha dhexe iyo guddiga fulinta, waxaana mar walba ay tahay in la taageero inta badan ee tiradda xisbiga cida taageeradooda haysata.

Waxaa haboon oo aanu ku talinaynaa in aan Xisbiga KULMIYE lagu kala tegin ee lagu tartamo oo cida hesha dabadeed lala shaqeeyo, iyadoo la isku wanaagsan yahay. Madaxweynaha Somaliland waa madaxweynihii wax qabadka haddii uu mar kale isa soo taagana waanu la shaqeyn lahayn, waxaana aanu ka doonaynaa inuu murashaxiinta dhex u noqdo iyo oday oo uu la shaqeeyo ka soo baxa”

Is bahaysiga murashiinta Xisbiga KULMIYE ayaa bilihii ugu danbeeyayba si isa soo taraysa waxaa ay u wadeen muujinta taageerayaashoodda xoogan iyo in ujeedada ay leeyihiin tahay in xisbigaasi wadda socdo oo uu noqdo Dimuquraadi loo siman-yahay in kasta oo ay u muuqato in aan dhinaca kale illaa hadda doodooda ka garaabin.

Halkan ka daawo: 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.