WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 1, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ee taageersan wasiiradda is casilay ayaa ka warbixiyey kulan ay habeen hore la yeesheen madaxweynaha Somaliland, waxanu sheegay inay wax badan ka wada hadleen,isla markaana isku afgarteen sidii xisbiga loo mideyn lahaa oo saaxad madax banaan looga dhigi lahaa doorashadda xisbiga Kulmiye.

TalyanleeGuddidan la kulmay madaxweynaha ee ka cabanayey guddida hawsha diyaarinta xisbiga wadda ayaa ka koobnayd guddoomiye xigeenka labaad ee Kulmiye xildhibaan Waabeeye, Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad Xildhibaan Talyanle, guddoomiye xigeenka 1-aad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiye xigeenka labaad Cali Yuusuf Axmed oo metelaya garabka musharaxiinta isbahaystay, waxaana iyaguna goob joog ka ahaa xubno wasiiro ah, waxaana laga wada hadlayey xaaladda xisbiga iyo sidii loo maareyn lahaa.

Xildhibaan Talyanle oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horayn ka hadlaya kulanka ay la qaateen madaxweynaha Somaliland waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland xalay (habeen hore) ayaanu kulanay, waxaanan ka wada hadlaynay shirka xisbiga Kulmiye ee loo mudeeyey bishan 10-keeda, wada hadalkii wuu noo furmay si wanaagsan ayaanan isku af garanay, wada hadalkiina wuu noo socdaa,laba garab halagu sheego ama xisbiga kulmiye ha lagu sheegee waxaanu wada doonaynaa in shirka xisbiga kulmiye u qabsoomo si wanaagsan oo cad, madaxweynuhu wuu nala qaatay wada hadalkiina wuu noo socdaa guul ayaanu uk dhamaan doonnaa”

SomlegalAds

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu jiro qorshe ay madaxweynaha hor dhigeen oo la xidhiidha sidii dib loogu dhigi lahaa shirka golaha dhexe ee Kulmiye, waxaanu yidhi “Wax baa ka jira oo waa la soo jeediyey waxaana taas xukumaya mudada yar ee ka hadhay wakhtiga loo qorsheeyey qabashada shirka, muddo Sagaal cisho ah ayaa ka hadhay shirka hawsha xisbiga Kulmiye u taalaana way balaadhan tahay, markaa haddii hawsha xisbigu ku qabsoomayso intaas hadhay waa la galayaa shirka, haddii ay intaas ka balaadhatana tallo ayaa noo socota isku meelna waanu u jeednaa wax dhulka naga yaalaana ma jirto guul ayaanay ku dhamaan doontaa.”

Sidoo kale, waxa uu sheegay inaanay jirin cid ka hor istaagi karaysa shirka xisbiga Kulmiye, waxaanu tilmaamay inay garabkoodu haystaan aqlabiyada xubnaha golaha dhexe iyo guddida fulinta waxaanu mar kale yidhi “Aad ayaanu ugu kalsoonahay, cid noo diidan shirka ma jirto, hogaankii xisbiga ayaanu nahay, raga kale ee garabkayaguna waa guddidii fulinta ee xisbiga, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiyana xagayaga ayey u badan yihiin waanan isku kalsoonahay, waxa hadhay oo kaliya masrax loo siman yahay oo lagu wada baratami karo oo musharaxiinta xisbiga Kulmiye dhamaantood kalsooni ku qabi karaan, kaas ayaanu doonaynaa hadana aanu wadnaa kuna tashanaynaa, cid xisbiga naga saaraysaa ma jirto, Ina Cabdiqaadir in tusaale loo soo qaatana aad ayaan uga soo hor jeedaa, xisbiguna waa mid dimuqraadi ah, xisbi hanta wadaaga oo kii midawga soofiyati maaha.”

Geesta kale waxa uu xildhibaanku sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen soo jeedin ah in shirka golaha dhexe ee loo asteeyay 10 November dib loo dhigo, maadaama xisbiga ay hor yaalaan arrimo culus, lamana hubo in arrintaasi ay aqbali doonaan madaxweynaha iyo garabka Muuse Biixi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.