WorldRemitAds

Dhacdo ka mid noqotay layaabka adduunka ayaa ka dhacday cusbitaal ku yaala dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, arintan oo sida Wakaaladaha Wararka adduunku ku warameen, ku saabsan gabadh gashaanti ah oo imtixaankii shahaadiga ee dugsiga sare iyo umushii ilmaheedu mar ku wada kulmeen.

Sida ay ku warantay idaacada BBC-du gashaanti-dan oo lagu magacaabo, Almas Dirisiyi ahna 21-jir ayaa sodon daqiiqo ka dib markii ay umushay u fadhiisatay imtixaankii dugsiga sare, kaas oo sida la sheegay ku soo beegmay umusha ilmaheeda oo caafimaadkiisu aad u wanaagsanaa wakhtiga ay umushay iyo intii ay imtixaanka ku jirtay.

SomlegalAds

Almas oo la hadashay BBC-da ayaa rejo wayn ka muujisay in imtixaanku si fiican ugu dhici doono, waxaanay tilmaantay in qorshaheedu ahaa inay imtixaanka Umusha ka hor gasho, laakiin dib loo dhigay ka dib markii uu ku beegmay bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

In kastoo diiftii foosha iyo xanuunkii umushu ka muuqday haddana rejo wayn ayay ku qabtay inay imtixaanka si guul leh uga gudbi doonto, waxaanay iyadoo ka hadlaysa ay tidhi, “Markii hore waxaan ku han waynaa inaan imtixaanka hor galo ka dibna aan umulo, hasa yeeshee imtixaanka ayaa dib loo dhigay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waana sababta isku beegtay umushayda iyo imtixaanka.” Almas Dirisiy.

Gashaantidan ayaa warfidiyeenada uga warantay wakhtigii ay uurka lahayd iyo wax barashada, taas oo ay sheegtay inay aad u fududayd laakiin imtixaanku kaga soo beegmay wakhti aad u adag oo xanuun iyo fool ay ka soo baxday, laakiin wax walba ay u samaynayso sidii ay uga gudbi lahayd, sababtoo ah? Haddii ay dib uga dhacdo waxay mudan doontaa in sanad kale oo danbe ay dugsiga ku sii jirto, taas oo sida Almas sheegtay ku adag oo aanay doonayn.

Almas Dirisiy ayaa cusbitaalka ku geli doonta Maadooyinka, Ingiriiska, Xisaabta iyo Afka Amxaariga ee sida wayn looga adeegsado dalka Ethiopia, laakiin xiisadaha kale ee imtixaanka waxay ku qaadan doontaa, fasalada iyo goobaha rasmiga ah ee ardayda kale imtixaanka ku galayaan, sida iyada iyo saygeedu warfidiyeenada u sheegeen.

Ninka qaba gabadhan ee ilmaha ka dhalay oo aanay BBC-du magaciisa xusin ayaa xafiiska Imtixaanaadka ee dalka Ethiopia ku bogaadiyay, aqbalaada ay ka ogolaadeen in gacalisadiisa cusbitaalka Imtixaanka lagaga qaado, taas oo sida uu ku doodayo ku cusub hab dhaqanka xafiiska imtixaanka ee dalka Ethiopia u hawl galo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.