WorldRemitAds

Mid ka mid ah taageerayaashii Masaarida ahaa ee ka qayb galay ciyaartii kooxaha Bortaqiiska iyo Masar ku dhex martay dalka Boortuqal ayaa, tarabuunka garoonkii ciyaartaasi ka dhacaysay la soo fadhiisatay boodh wayn oo ay ku soo qoratay, halku dheg lahjada Masaarida ee Afka Carabiga ku qoran oo macnihiisu af Somali ku noqonayo “Maxamed Saalax I guurso aan ciyaarno kubadee.”

Run ahaantii gabadhani waxa ay marka hor ka mid ahayd dadkii fadhiyay garoonka qaybta taageerayaasha xulka qaranka ee kubada cagta Masar, ay fadhiyeen laakiin waxa ay ugu danbayntii ka baxday garoonka iyadoo ka mid noqotay dadka dalkeeda iyo dunida carabta ugu caansan.

Gabadhan gashaantida ah oo aan magaceeda la xusin ayaa soo jiidatay warbaahinta iyo shabakadaha xidhiidhka bulshada ee dunida inteeda badan, waxaanay caan ka noqotay dalkeeda, sababtoo ah? Waxa ay garoonka la timi qoraalkan ay ciyaar yahanka ugu caansan wakhtigan dunida Islaamka kaga codsanayso inuu guursado.

SomlegalAds
Photo: Robert Hradil/Getty Images

Haddaba ma arkay ciyaar yahan Maxamed Saalax? Hadduu arkayse muxuu kaga jawaabay? Sida warbaahinta dunida inteeda badani qortay Maxamed Saalax isla markiiba indhaha ayuu ku dhuftay oo waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu hor arkay sababtoo ah? Waxa uu qoraalka gabadhani sidatay ahaa mid meel fog laga arki karayo, walibana ku qoran luuqada Carabiga ah oo markiiba indhihuusu degdeg ayay u qabteen.

Markii ciyaartu dhamaaday ayuu u tagay, ka dibna uu u sheegay inuu xaas leeyahay, aadna uga raali gelinayo in aanu codsigeedan ka jawaabi Karin wakhtigan, taas oo sida muuqata macnaheedu noqonayo inaanu guursan Karin.

Gashaantidan ayaa si fiican ugu qanacday jawaabta uu ka bixiyay laacibka Maxamed Saalax waxaanay ugu danbayntii ka codsatay inuu sawir xasuus ah la galo, codsigaas oo uu degdeg uga aqlbalay una fuliyay, waxaanu la galay dhawr sawir oo xusuus ah, kuwaas oo markiiba ku baahay bogaga internetka ee xidhiidhka bulshada.

Dhacdadan ayaa sheeko wayn ka dhalisay dalka Masar iyo waddamada carabta badankooda, waxaanay dadka rayigooda ka dhiibtay ay badankooda ka sinaayeen, in guusha uu ciyaar yahankani ka gaadhay ciyaaraha iyo nasiibka uu u helay inuu ciyaar yahan caalami ah noqdaa u horseeday in qof walba jeclaado. Ku dayashona uu u yahay dhalinyarada carabta iyo kuwa dalkiisaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.