WorldRemitAds

Cumar Shariif Waxa uu galay Hollywood, Kadibna wuxuu Guulaystay Oscar-ka isagoo Dunidana Caan Ka Noqday

Waxa jimcihii daraad dalka Masar ku geeriyooday, Cumar Shariif oo ka mid ahaa, dadka filimada matala ee dunida kuwooda loogu aqoonta badan yahay, taageerayaal badana ku lahaa dunida, ninkan oo si wayn uga soo dhex mudhay bahda fanka gaar ahaan mataalada filimada waxa uu ka mid yahay dadka taariikhda badan leh.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Cumar Shariif ayaa matalada filimada bilaabay sanadkii 1952 kii, xiligaas oo uu ku biiray, bahda filimada ee dalka Masar, waxaanu ka qayb galay filimo iyo masrixiyaadyo kala duwan.

Hasa yeeshee waxa uu si wayn ugu soo caan baxay, markii uu filim dunida aad looga jeclaystay la matalay, shirkada filimada Maraykanka ee Hollywood, sanadkii 1962-kii, ayuu aktar ka noqday, filimka lagu magacaabi jiray, (Lawrence of Arabia), waxaanu filimkan ahaa kii ugu horeeyay ee uu Hollywood ku matalo.

Cumar Shariif ayaa taariikhdiisu ka soo bilaabantay qoys Yuhuud ah oo uu ka dhashay, waxaanu magaciisi hore loo yaqaanay, ka hor intaanu diinta Islaamka qaadan ahaa, Michel Shalhoub, waxa uu sanadkii 1932 kii, ku dhashay Magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Muddo dheer markii uu ku jiray fanka iyo jilista filimada ayuu jeclaaday, aktaradii ugu caansanayd dalka Masar, Faatin Xamaama oo iyadu ahayd qofkii loogu jeclaa matalaada filimada marka laga reebo Caadil Imaan.

Jacaylka labadan aktar ayaa gaadhay heer aad u sareeya, waxaanu ugu danbayntii isugu biyo shubtay in ay is guursadaan, hasa yeeshee markii la soo gaadhay doonistii ayaa ehelkii Faatin Xamaama ay u diideen, in ay siiyaan, waxaana loo sheegay in uu diinta Yuhuuda aaminsan yahay oo aan loo guurin Karin, gabadh muslim ah.

Markii muranku sii xoogaystay ayuu dacwad ka furtay maxkamada sare ee dalka Masar, hasa yeeshe maxkamada lafteeda ayaa ka soo saartay xukun ay ku joojinayso, inay is guursan karaan, sababtoo ah waxa uu aaminsan yahay diinta Yuhuuda, umana banaana inuu gabadh muslim ah guursado.

Cumar Sharif ama Michel Shalhoub ayaa dhawr bilood ka dib, warbaahinta u sheegay inuu qaadanayo diinta Islaamka oo uu go’aansaday inuu Islaamo, waxa shahaadada loogu qabtay masaajidka wayn ee jaamcada Azhar, waxaanu sidaa ku guursaday gabadhii uu jacaylkeeda u dhimanayay ee Faatin Xamaama.

Sida inta badan ka dhex dhacda lamaanayaasha is guursada ee xidigaha dunida caanka ka ah, waxa muddo dhawr sanadood ka dib burburay guurkii iyo jacaylkii lamaanahan, oo way kala tageen.

Geerida Jilaagii Cumar Shariif Aktar Yuhuudnimo Ku Dhashay, Isagoo Muslim Ah GeeriyoodayCumar Shariif oo markii uu muslimay magacan loo bixiyay, ayaa dhawr sanadood ka dib markii ay kala tageen, Faatin Xamaama mar kale u tagay, culimada Azhar, waxaanu ka codsaday in mar kale dib loogu qabto Ashahaadada, waxaana markii la waydiiyay sababta uu sheegay, in uu akhriyay axaadiis sheegaysa in camal oo dhami niyada yahay, markii hore uu muslimayna niyadiisa jacayl ku jiray, balse uu imika diinta Islaamka sidii uu u qaadan lahaa oo kaliya ay niyadiisu tahay.

Cumar Shariif ayaa matalay filimo tiro badan oo aad dunida looga jeclaa, gaar ahaana dunida carabta, waxaana filimkiisi ugu danbeeyay uu ahaa, Caa’ilatu Xaaji Mutanabi, kaas oo uu ku matalayay nin afar xaas leh oo gododle ah sida Somalidu u taqaano.

Cumar Sharif ayaa ka mid ahaa aktarada tirada yar ee carabta ah, ee ka midka noqday Hollywood filimo caan baxayna ku matalay, waxa kale oo uu ka mid yahay, aktarada ajaanibka ah ee aan u dhalan Maraykanka ee ku guulaystay abaal marinta ugu saraysa Hollywood ee Oscar ka loo yaqaano.

Cumar Sharif oo ku magac dheeraa Doctor Zhivago, waxa uu ku guulaystay in labo wiil oo kaliya ah labada carruurta ah ee uu dhalay, ay iyaguna muslim noqdaan oo diinta Islaamka qaataan, waxaanu waraysi uu sanadkii 2006-dii siiyay BBC-da laanteeda afka carabiga ku cadeeyay in carruurtiisa iyo isagu ay muslimiin yihiin, kuna faraxsan yahay oo diintooda rasmiga ahi Islaam tahay.

Shariif ayaa sanadkii  2003 ku guulaystay abaal marinta labaad ee ugu saraysa ee loo yaqaano (Golden Lion).

Sida wasiirkii hore ee warfaafinta dalka Masar sheegay, Omer Sharif ayaa labadii sanadood ee ugu danbeeyay la il darnaa, xanuunka asaasaqa (Alzheimer), oo uu cusbitaal ugu jiray, hasa yeeshee waxa sida loo malaynayo geeridiisa sababay wadno xanuun ku soo booday.

Waxa axada maanta lagu aasi doona dalka Masar, oo aas qaran loogu samayn doono, carruurta uu dhalay iyo masuuliyiinta dalka Masar ayaa warbaahinta ka bixinayay wargelin ku saabsan masaajidka lagaga tukan doono, sida aaskiisa loo agaasimayo iyo xabaalaha lagu aasi doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.