WorldRemitAds

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George H W Bush-kii waynaa ee sanadihii 1989 ilaa 1993-kii Madaxweynaha ka ahaa dalkaas, ayaa timihiisa xiiray, si uu taageero macnawiyan ah ugu fidiyo ilme uu dhalay askari ka mid ahaa ilaaladiisi gaar ahayd oo xanuunka Kansarku ku dhacay.

Sida uu wakaalada wararka Faransiiska (AFP), u sheegay afhayeen u hadlay Madaxweynahaa hore ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo, Jim McGrath, Oday Bush oo 89-jir ah, ayaa dadka Maraykanka ku dhiiri galiyay in ay garab istaagaan wiil yar oo uu dhalay askari gaadhkiisa ka mid ahaa, isla markaana la soo shaqeeyay madaxweynayaal Maraykan ah.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo, Patrick ahna laba jir ayaa cudurka Kansarka ee ku dhacay, oo ah nooca dhiiga ku dhacaa, uu sababay in timuhu ka daataan, waxaanu Bush timaha u xiirtay si uu taageero ugu fidiyo wiilkaas yar indhaha iyo rayul caamka dadka Maraykanka ah ugu soo jeediyo in ilmahaas yar iyo carruur tiro badan oo dhibaataysan la caawiyo.

SomlegalAds

Sida afhayeenkaa u hadlay Madaxweyne Bush-kii waynaa, Bush iyo xaaskiisa ayaa sidoo kale wiilkan yar ugu deeqay inay ku taakulyeeyaan dakhligooda gaarka, iyaga oo ku daray liiska carruurta masuuliyadu ka saran tahay, jimciyadooda taageerta dadka dhibaataysan, oo ah urur samafaleed lagu sharfo Madaxweynayaasha dalkaas xukunka u soo qabtay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.