WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 9, 2018 (Saxafi) – Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Somalia ee Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) ayaa cadeeyay inaanay joojineyn dagaalka ay ka waddaan ama colaadda Tukaraq.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu Khamiistii yeeshay waxaa lagaga hadlay colaadda ka aloosan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo Somaliland iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya isku hor fadhiyaan kadib dhawr dagaal oo ka dhex dhacay sanadkan.

SomlegalAds

Golaha ammaanka oo laga akhriyay bayaan uu soo saaray hoggaanka goluhu waxay dhammaan dalalka xubnaha ka ah isku raaceen in degdeg loo joojiyo colaadda Tukaraq, islamarkaana ciidamada la kala qaado. “Golaha ammaanku wuxuu ka walaacsan yahay dagaallada ka soo cusboonaaday gobolka Sool. Golaha Ammaanku wuxuu dhinacyada ku boorrinayaa in si aan dib u dhac lahayn loo fuliyo arrinta ka go’an bahwadaagta caalamka ee ah, in si dhakhso ah colaadda la joojiyo. Taas oo ay ku jiraan hadallada ama ficillada sii kicin karra xiisadda, waxa kale oo dhinacyada lagu boorrinayaa in ay ciidamada kala qaadan oo wada hadal bilaabaan,” Sidaas ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanku waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo oo uu sheegay in xiisadda Tukaraq uga sii darayso duruufaha awalba taagna waxaanu ku baaqay in dhinacyadu si degdeg ah u ogolaadan gargaarka bani’aadanimo si badqab iyo fududayn leh.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo taageerada hannaanka federaalka ee dalka, lana dardargeliyo horumarada illaa iyo hadda la sameeyay.

In kasta oo baaqanni soo baxay, haddana, ku xigeenka Puntland waxaa uu sheegay inay dagaalka waddayaan.. Waxaa kale oo uu beeniyay inuu wada hadal u socdo Puntland iyo Somaliland, markii ay soo baxday in xubno ka mid ah beesha caalamku ay wadaan waan waan ku saabsan siddii loo qaboojin lahaa xiisada colaadeed ee u dhaxeysa.

Camey wuxuu shuruud ku xidhey wada-hadal ay la-galaan Somaliland iyo xata haddii la isku dayo xabad joojin la dhex-dhigo. “Waan maqlayay xabad joojin iyo waxyaabo laga hadlayay…Nin dalkaaga ku jira waxay ila tahay xabad joojin inaanay suuragal ahayn marka aad ku noqoto goobta aad ka soo duushay 2007 bishii October markaas ayaynu wadahadli karnaa.” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo inta ku daray “Weli dhul baddan oo Puntland sheeganeyso ayaa dhinaca shishe ka xiga Oog illaa iyo Libadda- gaatama Puntland-baa leh oo xukunta .. Haddaad dooneysaan inan wada hadalno bal horta marka ugu horreysa barti gulufka colaadeed aad ka soo qaadeen oo Oog ah dib ugu noqda.”

Somaliland waxaa ay marar kala duwan sheegtay inay doonayso nabad gelyo in lagu soo dabaallo arrintan oo aanay duulaan ku ahayn Garowe, balse ay weliba xaddi badan oo ka tirsan xuduudkeeda ay uga joogto ilaalinta amaanka gobolka guud ahaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.