WorldRemitAds

Hargeysa,Somaliland, March 20, 2012 (Saxafi) – Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa halis ugu jira inuu burburo, isla markaana awoodi kari waayo qabsoomida fadhiyadiisa.

Xaaladda uu galay golaha Wakiilada ayaa waxay ka dambaysay kadib markii laba xubnood oo ka mid ah shirgudoonkii golahaasi is-casileen, toddobaadkan, halka xubintii soo hadhay iyo Xoghayihii golahaasiba ku mashquulsan yihiin ololaha lagu qiimeynayo ururada siyaasadda oo ay urur ka mid ah u ololaynayaan.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa toddobaadkii hore isku-shaandhayn uu ku sameeyay golihiisa wasiirada waxa uu wasiirka Maaliyadda u magacaabay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee golaha wakiilada, taas oo keentay inuu iska casilo xildhibaanimadii iyo weliba xubnimadii shirguddoonka golaha Wakiilada. Sidoo kale guddoomiye ku-xigeenkii labaad Baashe Maxamed Faarax ayaa isaguna isla toddobaadkan lagu warhelay iscasilaad uu iskaga casiley xilkii guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiilada.

SomlegalAds

Hase yeeshee xubinta keliya ee shirguddoonkii golaha Wakiilada ka hadhsan oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isaguna mashquul ku noqday isla markaana hawlihii golaha Wakiilada ay ka baajisay ololaha guddida diiwaangelinta ururada siyaasaddu ku qiimaynayaan taageerayaasha gobolada ay ku leeyihiin ururada siyaasadda Somaliland, isagoo Guddoomiye Cirro guddoomiye ka ah urur-siyaasadeed la yidhaahdo Waddani oo ka mid ah ururada cusub ee siyaasadda, kuwaas oo labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay dhoola-tus ku saabsan awoodooda taageero ee ay ku leeyihiin gobolada dalka oo lagu qiimaynayo isugu soo baxay magaalooyinka Boorama iyo Hargysa, isla markaana maalmaha soo socda la filayo inay gobolada kale ee dalka ka sii socdaan dhoola-tusyadaasi.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee golaha Wakiilada Cabdirisaaq ayaa la arkayay isagoo ku mashquulsan hawlaha ururka Waddani ee la xidhiidha ololaha lagu qiimeynayo ururada siyaasadda.

Taas ayaa waxay u muuqataa inaanay suurta-gal ka dhigayn in ay qabsoomaa fadhiyadii golaha Wakiilada, gaar ahaan kal-fadhigan hadda goluhu ku jiro oo ay horyaalaan arrimo muhiim ah, ansixinta Miisaaniyadda Qaranka, xeerar muhiim ah iyo ansixinta wasiirada cusub ee xukuumadda.

Madaxweyne Siillaanyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay bilaabay inuu xubno uu ka soo xushay Mudaneyaasha golayaasha Baarlamaanka, gaar ahaan Wakiilada u magacaabo xilal wasiirnimo, kuwaas oo uu ugu horeeyay ninka hadda wasiirka Daakhiliga ah, Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ahaa Mudaneyaasha golaha Wakiilada, waxaanu Mudanihii labaad ee golahaas ka tirsan ee xil wasiirnimo uu Madaxweyne Siillaanyo u magacaabo noqday Cabdicasiis Maxamed Samaale, halka ay jiraan warar kale oo soo bax-baxaya oo sheegaya inay jiraan xubno kale oo Madaxweyne Siillaanyo maagan yahay inuu xilal wasiirnimo u magacaabo.

Arrintan ayaa siyaasiyiinta qaarkood ku tilmaameen qorshe uu Madaxweyne Siillaanyo doonayo inuu kaga takhaluso goleyaasha sharci-dejinta oo uu ka baqo-qabo inay caqabad ku noqdaan geedi-socodka siyaasadda xukuumadiisa.

1 COMMENT

  1. Walee waan garanaayey in Ninkan Siillaanyo aanu waxaas wax ka yar soo waddan, arrintuna waxay u egtahay in Wax waxanba ka weyni soo socdo oo cid alla cidii lays leeyahay way hor istaagi kartaa laga sii takhalusayo… Ururadii bulshadu maye, Xisbiyadii mucaaridku maye, ururadii xuquuqal-insaanku maye, Somaliland Forum meeday.. Baarlamaankii mee….

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.