WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 28, 2012 (Saxafi) – Fadhigii golaha wasiiradda xukuumaddaSomalilandee shalay ayaa lagu ansixiyey miisaaniyad sanadeedka 2012-ka, taasi oo dhawaan wasaaradda Maaliyadu horgeysay Golaha wasiirada.

Fadhigan golaha wasiiradda oo uu guddoominayey Madaxwayne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxwaynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu meel-mariyey miisaaniyadda 2012-ka taasi oo la sheegay inay 23.19% ka badan tahay miisaaniyadii sanadkii hore ee 2011-ka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, kaasi oo u dhignaa sidan: “Fadhigii maanta (Shalay)  (27/02/2012) ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Gudoominaayayna Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo dhan 639,369,240,470 taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii hore ee 2011..”

Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo xukuumaddu ka bixisay miisaaniyaddan iyo tii ka horaysay farqiga u dhexeeya oo aan ahayn korodhkaas odoroska ah ee la carabaabay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.