WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 8, 2016 (Saxafi)-Siyaasi Cabdiqaadiir Cali Obsiiye, ayaa sheegay in goleyaasha qaranka muddo dhaaf ku wada jiraan, waxaanu usoo jeediyey inay maqlaan rabitaanka shacabka Somaliland.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo sheegta inuu yahay musharax madax banaan, islamarkaana dalbanaya in dastuurka la furo oo lagu daro qodob ah in musharax madax banaani jiro oo lagu tartamo.

Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa aan  ku baraarujinayaa shacabka  in ay  maanta  yihiin  golayaasha  aan  dooranay  kuwo wakhtigoodii   dhacay  ama  si  kale  aynu  u dhigno  ay  yihiin  kuwo  ku   fadhiya  muddo   dhaaf,  taas  oo  aynu  sheegayno  dadka  in  guurtida  la  doortay  afar sanno balse ay maanta joogaan shan iyo toban sanno, Wakiiladii la doortay shan sanno ay maanta marayaan laba iyo toban sanno, xukuumaddii shanta sanno la doortay ay maanta marayso lix sanno iyo badh, sidaa darteed, waa in ay eegaan shacabka iyo taladiisa, waxaanu leenahay halka aad fadhidaan iyo muddo kordhinta aad ku fadhidaan waad arkaysaan soomaalidu waxa ay ku maahmaahda waxa jira dhego laydh u daloola waa kuwa marka loo soo jeediyo waanada nasteexadda iyo xaqa marka loo soo jeediyo aan qaadanin waa kuwo marka loo soo jeediyo waanada nasteexadda iyo xaqa marka loo soo jeediyo aan qaadanin ee dabaysha iyo waxyaabaha aan macquulka ahayn  ee  sida  wakhti  lumiska, munaafiqada, isku  dirka  iyo  waxyaabaha  noocaas  ah  ka  shaqeeya  weeyan, xaqa  iyo  nasteexada  iyo  waanada  saxda  ah  ee wadanka  iyo  dadkan u  baahan  yihiin  aan  qaadanin  weeyaan, kuwa  laabta  u  daloola  waxa  weeyaan  kuwa  marka  loo  soo  jeediyo  waanada  iyo  xaqa  iyo  nasteexada   dhabta  ah  waa  kuwa  qaata ee  ku  dhaqaaqa  ficilka, waxa  aan  leenahay  ha  noqonina  kuwa  laydhka   u  daloola  iyo  waxa yaaba ha  kale  ee ka  jira  dalkeena” .

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.