WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 02, 2014 (Saxafi) – Guddiga Ilaalinta Hantida qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa habeen hore hawl-gal ka bilaabay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolkaasi Maxamed Cumar Sheekh, xubnahan Xildhibaanada ah ayaa masuulyiin ka tirsan laamaha dawladda iyo xildhibaanadda golaha deegaanka Boorama la yeeshay kullamo ay ku xog-waraysanayaan.

Guddigan oo ka koobnaa ilaa 8 xubnood ayaa waxa horkacayey guddoomiyaha Gudigaasi Maxamed Cali Xirsi, waxana intii aanay hawlahan xog-waraysiga ah ku dhaqaaqin kulan gaar ah ay la qaateen guddoomiyaha gobolka Awdal oo sheegay inuu soo dhaweynayo guddigaasi.

SomlegalAds

Kulamadan iyo xog-waraysiyadan oo saxaafaddu debedda ka joogtay ayaan dhinaca kale wax war oo ku saabsan waxyaalaha ay ka waraysanayeen isu duwayaasha iyo xildhibaanadda golahaasi la cadaynin. Iyaddoo dhinacyada ay khusaysaana ka gaabsadeen inay wax tafsiir ah ka bixiyaan. Socdaalka guddigan oo ahaa kii u horreeyey ee gobolka Awdal ama Boorama ay ku tagaan tan iyo markii la doortay ayaan la ogeyn natiijada ay ka soo saari doonaan. Hase ahaatee, waxaa ay u muuqataa in guddigani doorkii hanti dhowrka Qaranka iyo hay’adii loo abuuray la dagaalanka musuqa doorkeedii ay isku dayayaan inay daboolaan iyagoon tii guud ee ay xil-saaraayeen lafteedda dhaliilo badani ka taagan yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.