WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 17, 2015 (Saxafi) – Guddi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Siillaanyo u saaray sicir bararka ayaa shalay galinkii danbe kullan ku yeeshay qasriga madaxtooyadda.

Kullankan iyo ujeedada ka danbeysayba waxaa war saxaafadeed la xidhiidha xalay soo saartay Madaxtooyada, War saxaafadeedkaas, waxaa lagu yidhi sidan: “Maanta oo ay bishu tahay December 16-keedii galabta waxaa madaxtooyadda ka dhacay shir balaadhan.
Guddi Sicir BararWaxaa shirkaa ka qayb galay oo joogay guddigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magaacabay sixir bararka oo uu gudoomiyaha u ahaa Madaxweyne ku xigeenku oo ay ka mid ahaayeen wasiirka madaxtooyadda, wasiirka maaliyadda, wasiirka daakhilga oo maqan, gudoomiyaha Baanka dhexe, agaasimaha guud ee Baanka dhexe iyo dhaqaale yahan Maxamed Samatar.
Waxa uu ahaa shirkaa dulucdiisu ama sababta loo qabtay ahaa oo uu daba socday shirar hore oo ay guddigaasi la gashay wasaaradda maaliyadda oo ay hogaaminaysay wasiirka maaliyaddu iyo kooxdii wasaaradda maaliyadda oo dhan, Bangiga dhexe oo uu hogaaminaayey gudoomiyaha Bangiga dhexe, kana waa shirkii saddexaad ee lala galay sariflayaasha ka dhisan magaaladda Hargeysa oo dhan 86 Sarifle oo diwaan-gashan” “dulucda shirkaasi waxay ahaayeen in la helo xog taabo gal ah oo ku saabsan sicir bararka, in xogtaa la uruuriyo in dulucdeeda iyo go’aankeeduna uu noqdo sidii kor loogu qaadi lahaa Shilinka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay lacagteenu noqoto mid qiimo leh.
Waxaa hadhsan shirar kale oo lala gali doono shirkadaha waaweyn oo ay ka mid yihiin Telesom, Dahabshiil iyo niman dhaqaale yahano ah oo talooyin la weydiinayo iyo cidii kale ee baayacmushtar ah ee ay arrintani khusayso.
Waxaa ka go’an guddigan iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu noqdo Shilling-ka Jamhuuriyadda Somaliland mid qiimo leh oo qof kasta oo Somaliland ahi uu noqdo Shilling-kaasi mid uu ku kalsoon yahay oo wax u tara oo la tayeeyo, waxaana ka soo bixi doona go’aan rasmi ah oo ay umadda Jamhuuriyadda Somaliland oo dhani ku naaloon doonto oo run ahaantii ka turjumi doona waxa uu yahay qiima dhaca lacagta Somaliland”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.