WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 26, 2015 (Saxafi) – Guddida dabagalka Hantidda Qaranka ee golaha Wakiladda ayaa soo bandhigay habacsanaanta maamul ee ka jira goboladda iyo degmooyinka, iyo sida aanu maamul daadejintu u gaadhin.

Guddida dadabagalka ayaa madal xukuumadda qaarkood joogaan ku soo bandhigan Muqaal ay ku waraysanayaan Isku duwayaasha goboladda ee wasaaradaha, kuwaas oo cabashooyin ka dhan ah wasaaradahooga usoo gudbiyey, taas oo galaafanaysa shaqadiisa, isla markaana laga yaabo in aanay fahansayn in qaabkan oo kale loo soo bandhigi karo.

Isku duwayaasha ayaa u muuqday dhaliilaha ay soo bandhigay kuwo ay aaminsanayaane in aanay muuqaalkoodu gaadhi Karin wasaaradahooga oo golaha uun ku koobantahay, isla markaana dhibtooda uun uga xaal waramayeen Guddidan bal inay si dad badan wax uga qaban karaan, taas oo guddida dabagalka  ku xisaabtamin saameynta ay shaqaalahan ku yeelan doonto shaqadoodda, maadaama oo ay ka hor geeyeen wasaaradahooga, iyadoo aanay jirin damaanad u qaadaysa in aan shaqadda laga eryin ama wasiiradda madasha fadhiyey ka xanaajin karta.

SomlegalAds

Guddida Ilaalinta Hantida QarankaDadka inta badan degmooyinka fog fog fadhiyaa ayaa mar walba cabashooyinka  ay usoo gudbiyaan u arka inay waxtar loogu qaban karo, haseyeeshee guddida dabagalka ayaan iyagu ku xisaabtamin in Muuqaalkan ka dhanka ah wasiiradda ay dhaliilayaan ku keeni karto dhibaato ka weyn tii ay ka cabanayeen.

Waxaynu ognahay inta badan shaqaalaha dawladda u shaqeeyaa rajo ku nool yihiin, iyadoo ku xisaabtama in maanta ay barri dhaami doonto, haseyeeshee bandhiga shalay guddidan ku soo bandhigay khatar ku tahay inay sii shaqeeyan.

Isku duwayaashan laga duubay muuqaalka ayaa inta badan dhaliilo xoog leh usoo jeediyey wasaaradaha ay matalaan, waxaanay qaarkood sheegeen in sanad mushaharka qaadan, halka qaarkood ku cawday in aanay xafiis ay ku shaqeeyaan haysan, kuwo kalana gaadiid la’aani haysato.

Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiinta goboladda ee guddidan soo waraysatay ayaa laga yaabaa inay welwel xaga shaqada ahi la soo gudboonaato, maadaama oo madal aanay iyagu ka war hayn in lagu soo bandhigay u warameen, taas oo wasiirada la dhaliilayey qaarkood goob joog ka ahaaayeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.