WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 13, 2015 (Saxafi) – Guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda ayaa shalay kullan xog waraysi la yeeshay wasiirka wasaaradda Maaliyadda oo ay wehelinayeen saraakiisha wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adda xisaabaadka Qaranka.

Guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda Xildhibaan Cumar Axmed Saleeban Faarax (Cumar Sanweyne), ayaa sheegay in si fiican iskula af garteen xog waraysigii ay a yeesheen, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa: Samsam iyo Guddida dhaqaalaha“Waxaanu halkan ugu yeedhnay wasaarada Miisaaniyadda oo ay hogaaminayso Wasiir Samsam, waanu usoo dhoweynay golaha, waxaanu maanta xog waran la yeeanaya guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda, waxaana ka wada hadlaynay sanad miisaaniyadeedkii, sanad walba waanu isku iman jirnay, miisaaniyaduna jar jarooyin badan ayey soo marta oo waxa marka hore baahiyahoodda usoo gudbiya wasaaradaha ka dibna wasaaradda qorsheysa, ka dibna golaha wasiiradda qiimeeya, ka dibna golaha Wakiiladda ayaa usoo gudbiya, anaguna waanu Miisaaniyadda ayaanu dib u eegna, maanta xog waraysi ayey ahayd, wixii  nagaga soo baxay ayaanu wax ka waydiinaynaaa, sifiican waanu isku afgaranay, wixii su’aalihiina way nooga jawaabeen, insha alla si dhakhso ah waxaanu u horkeeni doonaa gole weynaha, iyadoo ka doodi doonaa miisaaniyadda”
Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna sheegay in miisaaniyada sanadkan tahay mid wax lagaga qabanayo horumarka iyo bahda cadaaladda, waxaanay tidhi “Guddida si fiican baanu isku fahanay, wixii su’aallo ay ka qabeen way na waydiiyeen oo meelo badan oo wasaaraddaha qaarkood ah ayay wax naga waydiiyeen oo aanu uga jawaabaynay iyo sida loo qorsheeyey, waxaanu isla garanay meelo badan oo ay taabteen oo khayr ah, wixii naga dhimana ay wasaaradda qaar ka wada soconay, waxayna ku dhamaatay in ay miisaaniyad wanaagsan tahay oo xaga horumarka iyo xaga  garsoorka aanu xooga saarnay”
Miisaaniyadda ayaa loo gudbin doonaa gole weynaha, isa markaaana wax ka bedel iyo kaabis ku samayn doonno, waxaanay noqonaysa miisaaniyaddii ugu horeysa ee Marwo Samsam goaha keento tan iyo intii xika wasaaradaasi la wareegto.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.