WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2019 (Saxafi) – Guddida Doorashada Somaliland ayaa sheegay inay dhex u yihiin Xisbiyada Qaranka, iyagoo dhinac isaga duwaya eeddeymaha uu xisbigaasi u jeediyo tan iyo markii ay ku dhawaaqeen natiijadii Doorashada Madaxtooyada.

Guddida ayaa sheegay in ay ku shaqaynayaan nidaamka iyo shuruucda shaqada loogu igmaday, waxaanay daboolka ka qaadeen inay diyaariyeen qorshihii loo dhamaystiri lahaa Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, casriyeeyeena qalabkii lagu gelayey.

SomlegalAds

Guddoomiyaha Guddida oo wariyeyaasha kula hadlay xarunta guud ee Komishanka, ayaa iftiimiyey inay Doorashada Baarlamanku qabsoomayso wakhtiga u astaysan oo ku beegan 12 Bisha December ee sanadkan. Guddida ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan ay la yeesheen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo ay kala hadleen arrimaha Doorashooyinka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Kulanka waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Kulanka kaddib labada masuul ee ugu sareeyey xubnaha Guddidda Doorashada la kulmay ayaa Warbaahinta la hadlay, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen qodobada ay ka wada hadleen Guddida iyo iyagu.

Guddida Doorashada Somaliland ayaa sheegay inay dhex u yihiin Xisbiyada Qaranka, iyagoo dhinac isaga duwaya eeddeymaha uu xisbigaasi u jeediyo tan iyo markii ay ku dhawaaqeen natiijadii Doorashada Madaxtooyada. “Annagu guddi ayaanu nahay dhexdhexaad ah oo saddexda xisbiba dhex ayaanu u nahay, waxaana naga go;an anaga in aanu qalabkii, farasmadii iyo aqoontiiba in aanu diyaarino, waananu diyaarinay. Waananu la xidhiidhnay saddexda xisbiba. Saddexda xisbi markaa iyagga ayaa ikhtiyaarka leh, iyagga weeye dadka wax loo qabanayaa, iyagga weeye dadka ku galaya doorashadda qalabka aanu ansixinay, iyaga ayay ahayd inay yimaadaan su’aallo naga weydiiyaan oo ay fahmaan waxaa ay doorashada ku gali doonaan. Waxan maqlaynay in xisbigu (Waddani) leeyahay waan ka qayb galaynaa doorashada December, qalabkii lagu galayayna ma daawanayo oo wixii aan su’aal ka qabo idinma su’aalayo laba is qabanaya maaha. Waananu la hadalay, waraaqana waanu u qornay waanan ka dhaadhicinay in aanay tani ahayn wada shaqeynta iyaga iyo anaga naga dhaxaysa, waayo, anagu shakhsiyan isuma haysano, waa arrin laba hay’adood ka dhexeeya. Markaa, anagu waajibkayagii waanu gudanay qoraalna waanu u qoray. Telefoona waanu kula xidhiidhnay Ikhtiyaarka ka qaybgalka doorashadda xisbiyadu iyagga ayaa leh laguma khasbayo,”  Guddoomiyaha Guddida doorashada Somaliland.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.